Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray hannaan shaqaalaha caafimaadka xog sax ku heli karaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray hannaan shaqaalaha caafimaadka xog sax ku heli karaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafmaadka iyo daryeelka bulshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa daahfuray xafladda Aladda U Report oo macnaheedu yahay ‘’Codkaaga kor uqaad’’ kaas oo ah hab sahlaya in si fudud lagu soo gudbiyo fariimaha muhiimka ah ee ka imaanaya bulshada qeybaheeda kala duwan, awoodna usiinaya shaqaalaha wacyi gellinta in ay helaan soona gudbiyaan xog sax ah.

Munaasabadda waxaa  hadal ka jeediyey qaar ka mid ah bahda  Wasaaradda Caafmadka, xubno ka socday He’yadda Unicef, xubno ka socdey Maammulka Gobalka banaadir iyo Ururka Cilmi baarista  Soomaaliyeed.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Daahfurka U Report ayaa looga hadlay muhiimadda ugu weyn oo ah in sare loo qaado doorka bulshada ee la xariira ka qaybgalka adeegga loo qabto iyo in la xoojiyo aqoonta la xariirta isticmaalka U-Report, si loo helo xog laysku halayn karo go’aan sax ahna lagu qaadan karo.

Daahfurka waxaa sidoo kale diiradda lagu saarey in xoogga la saaro sare u qaadida aaladda  fulinta U Report, iyadoo ugu dambeyna Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan uu soo xirey xafladda daahfurka Aaladdaa  U Report.

 







Previous Post

Kulanka Baarlamaanka JFS oo looga dooday wax ka badalka Dastuurka KMG ah 

Next Post

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Kismaayo “SAWIRRO”

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Kismaayo "SAWIRRO"

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In