Friday, July 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka Baarlamaanka JFS oo looga dooday wax ka badalka Dastuurka KMG ah 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka JFS oo looga dooday wax ka badalka Dastuurka KMG ah 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 1-aad ee Kalfadhiga 3-aad oo ay soo xaadireen 143 Xildhibaan.

Ajendaha kulanka,ayaa ahaa soo gudbinta iyo Akhrinta Mooshinka wax ka bedelka kaabiska Dastuurka KMG ah iyo qeybinta Hindise-sharciyeed-yada kala ah.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

July 10, 2026

1. Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangeliyo-doonka.

2. Hindise Sharciyeedka howlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.

3. Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka.

Xildhibaan cabdifitaax cabdullaahi Caraaye oo ku hadlaayay magaca Guddiga soo diyaariyay ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS u aqriyay soo gudbinta iyo Akhrinta Mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka KMG ah.

Intaasi kadib Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeeshay soo gudbinta iyo Akhrinta Mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka KMG ah, ayagoona doodooda ku lafaguray Dastuurka Dalka iyo turxaan bixin ku aadan mooshinka lahor keenay Golaha. dooda xildhibaanada ayaa ubadneyd toosin iyo talo soo jeedin ku saabsan mooshinka la horkeenay.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa soo xiray kulanka maanta asigoona ku amaanay Xildhibaannada dooda adag ay ka yeesheen soo gudbinta iyo Akhrinta Mooshinka wax ka bedelka kaabista Dastuurka KMG ah, waxa uuna faray Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in uu ku wareejiyo Guddiga KMG ee ka shaqeynta Mooshinka wax ka bedelka iyo kaabista Dastuurka si ay talooyinka xildhibaanada iyo turxaan bixintooda ay ugu soo biiriyaan si markale xildhibaanada loo horkeeno doodna ay ka yeeshan.

Previous Post

Golaha wasiirarada Hirshabeelle oo ansixiyay degmooyin cusub

Next Post

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray hannaan shaqaalaha caafimaadka xog sax ku heli karaan

Next Post
Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray hannaan shaqaalaha caafimaadka xog sax ku heli karaan

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray hannaan shaqaalaha caafimaadka xog sax ku heli karaan

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey...

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

July 10, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ciidanka xoogga dalka iyo ciidanka deegaanka ee ku jira dugsiga tababarrada Qoriloow...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Beerta Nabadda kulan kula yeeshay suxufiyiinta warbaahinta...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026
0

Taliska Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta xaruntiisa ku qabtay shirka Talisyada Qaybaha Ciidanka Dhulka, kaas oo uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In