Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Hortagay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada Ee Golaha Shacabka

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
5 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Hortagay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada Ee Golaha Shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, ayaa kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan.

Inta lagu guda jiray kulanka, guddiga waxay wasiirka ka dhageysteen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan:

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Dhacdadii dhawaan ka dhacday iridda hore ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, oo ay hooyo Soomaaliyeed ku hor umushay; dhacdo taabatay shucuurta shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dalka. Wasiirku wuxuu caddeeyay in isla xisaabtanka iyo baaritaannada la xiriira arrintaasi ay socdaan.

Adeegyada kala duwan ee Isbitaalka, oo ay ka mid yihiin:-

  1. Daryeelka hooyada iyo dhallaanka,Cudurrada guud
  2.  Qaybta gargaarka degdegga ah
  3. Nafaqo darrida carruurta
  4. La–tacaalida cudurrada HIV iyo Cancer, taas oo  qayb kasta ay ka howlgalaan dhaqaatiir takhasus gaar ah leh, sida uu wasiirku xusay.

Caqabadaha jira, oo uu wasiirku ku sheegay kuwa ugu waaweyn: shaqaale yaraanta marka loo eego tirada bukaannada badan, taas oo mararka qaarkood keenta in adeegyadu ku dheeraadaan.

Kadib kulanka, guddigu waxay kormeer shaqo ku tageen Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, iyagoo booqday qeybaha kala duwan, islamarkaana si toos ah ula hadlay qaar ka mid ah bukaannada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa u mahadcelisay guud ahaan howl-wadeenada caafimaadka, kuna dhiirrigelisay shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale ballanqaadday in guddigu door muuqda ka qaadan doono horumarinta adeegyada iyo daboolista baahiyaha ka jira isbitaalka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka“Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Kulan-Doceed La Qaatay Saraakiil Ka Socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga Ah Ee Qaramada Midoobay

Next Post
Wasiirka Warfaafinta  XFS Oo Kulan-Doceed La Qaatay Saraakiil Ka Socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga Ah Ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Kulan-Doceed La Qaatay Saraakiil Ka Socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga Ah Ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In