Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo khudbad ka jeediyay shir doceed ka dhacay Imaaraadka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS oo khudbad ka jeediyay shir doceed ka dhacay Imaaraadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ka qeybgalay Shir duceed  ku saabsanaa in si wadajir ah loogu shaqeeyo xoojinta sugnaanta cuntadda iyo nabadda ee wadamadda ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

Shir duceedkan waxaa soo agaasimay Urur Goboleedka IGAD waxaana kaasoo qeybgaley Wasiirada Caafimadka iyo Qorsheynta Wadamadda, Djibout, Ethiopia iyo Koofurta Sudan, kuwaas oo ka mid ah kulan weynaha isbadalka cimilada (COP28)  ee ka socdal magalaadda Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ka jeediyey khudbad taabaneysay dhinacyo badan, sida abuurista hab wada shaqeyn, iskaaashi dhanka Gobolka ah oo ku aadan arrimaha isbadalka cimilada iyo saameynta ay ku yeelato hanaanka Caafimaadla Gobolka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa khudbaddiisa kusoo gunaanadey sida ay Soomaaliya hada u wajahaysa isbadalka cimiladda oo bilowga horeba ay ka soo baxday abaaro, hadane  ay bilaabatay Fataahadda ( El NiNo), Sidoo kale Wasiirka ayaa carab ka ku adkeeyey  guulaha ay Soomaaliya ka gaartay ka jawaabista abaartii dhawayd ee ku dhufatey Soomaaliya iyo sida ay u saameysay dowladaha dariska ah ee ku jira IGAD.



Previous Post

Sacuudi Carabiya oo bogaadisay guulaha ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay la dagaalanka argagixisada

Next Post

Soomaaliya oo soo bandhigtay Axdiga Qaran ee Dhimista Wasaqda Hawada

Next Post
Soomaaliya oo soo bandhigtay Axdiga Qaran ee Dhimista Wasaqda Hawada

Soomaaliya oo soo bandhigtay Axdiga Qaran ee Dhimista Wasaqda Hawada

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In