Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa garoonka caalamiga Qaahira kuso dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamed Nuur.
Wasiirka Cadaaladda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa safar shaqo ku tagay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar , Wasiirka ayaa ka qayb geli doonna shirka Wasiiradda Cadaaladda ee Jaamacadda Carabta.
Sidoo kale Wasiirka ayaa inta uu dalkaasi joogo kulamo kala duwan la yeelan doono masuuliyiinta wadankaas.