Wasiirka cadaaladda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa magaaladda Doxa ee Dalka Qatar uga qeyb galaya shir looga hadlayay ka hortagga argagixisada iyo burcad badeednimada, kaasi oo ay ka qeyb galeen shan boqol oo Ergo, kuwaasi oo ka kala socda 140 dal oo ay Soomaaliya ku jirto.
Shirkan oo ay soo qaban gaabisay Qaramada Midoobay, isla markaana afartii sano mar labto ayaa sanadkan lagu qabtay dalka Qatar, kaasi oo diiradda lagu saaray sida looga hortagi karo falalka argagixisada, burcadbadeedda iyo qodobo kale, iyadoo loo marayo hab sharci ah,
Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo ka mid ah wafdiga Wasiirka Cadaaladda, isla markaana la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in shirka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, maadaama ajandaha ugu muhiimsan ay tahay argagixisada iyo burcad badeedda.
“Waxyaabaha ay caalamka xilligan dhibaatada ku qabaan oo ku cusub, isla markaana u baahan in laga hortago waxaa ka mid ah dhibaatada ay geysanayaan burcad badeedda iyo argagixisada, sidoo kale kuwa burcad Internet-ka ah ee jabsanaya akoonada, ayaa shirka looga hadlay” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.
Shirkan oo furmay 12 bishaan ayaa lagu wxaa in la soo gabo gabeeyo 19-ka April, iyadoo Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir uu shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay garsoorka dalka, taasi oo u wada riyaaqeen dhamaan dadkii shirka ka qeybgalay.