Thursday, July 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda oo ka qeyb galay shir looga hadlayo ka hortagga argagixisada iyo burcad badeedda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 15, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Cadaaladda oo ka qeyb galay shir looga hadlayo ka hortagga argagixisada iyo burcad badeedda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka cadaaladda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa magaaladda Doxa ee Dalka Qatar uga qeyb galaya shir looga hadlayay ka hortagga argagixisada iyo burcad badeednimada, kaasi oo ay ka qeyb galeen shan boqol oo Ergo, kuwaasi oo ka kala socda 140 dal oo ay Soomaaliya ku jirto.

Shirkan   oo ay soo qaban  gaabisay  Qaramada  Midoobay,   isla markaana  afartii sano mar labto ayaa sanadkan lagu qabtay dalka Qatar, kaasi oo diiradda lagu saaray sida looga hortagi karo falalka argagixisada, burcadbadeedda iyo qodobo kale, iyadoo loo marayo hab sharci ah,

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

July 17, 2025
Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

July 17, 2025

Dr  Axmed Cali Daahir   Xeer  ilaaliyaha guud  ee Qaranka oo ka mid ah wafdiga Wasiirka Cadaaladda, isla markaana la  hadlay Warbaahinta Qaranka  ayaa  tilmaamay in shirka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, maadaama ajandaha ugu muhiimsan ay tahay argagixisada iyo burcad badeedda.

“Waxyaabaha ay caalamka xilligan dhibaatada ku qabaan oo ku cusub, isla markaana u baahan in laga hortago waxaa ka mid ah dhibaatada ay geysanayaan burcad badeedda iyo argagixisada, sidoo kale kuwa burcad Internet-ka ah ee jabsanaya akoonada, ayaa shirka looga hadlay” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Shirkan oo furmay 12  bishaan ayaa lagu wxaa in la soo gabo gabeeyo 19-ka April, iyadoo Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir uu shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay garsoorka dalka, taasi oo u wada riyaaqeen dhamaan dadkii shirka ka qeybgalay.

Previous Post

Prof Jawaari: “Waxaan xukuumadda u gudbinay qorshe howleedka Baarlamaanka”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shir looga hadlayay xaaladaha beni’aadannimo

July 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), nudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka qeybgalay kulan heer sare ah oo ay isugu yimaadeen...

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

July 17, 2025
0

Muddo haatan laga joogo 35 sano kadib, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay war laliskii ugu horeeyay...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle iyo Maareeyaha NIRA oo kormeeray Xarunta Cusub ee Jowhar

July 17, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cabdirahman Daahir Guure (Karoorre) iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚.

July 17, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In