Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka cadaaladda oo tababar u furay waakiillo ka socday bahda cadaaladda dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 22, 2019
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay qaraxii Argagixisada ay la beegsadeen goobo Rayid
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tabbabarkaan oo ku saabsan Hindise sharciyeedka Kaalmada sharciga ayaa maanta waxaa uu ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana furay Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka dalka Abuu-kaate Xasan Xuseen Xaaji, iyadoo ay ka qayb galeen wakiilo ka socda hay’adaha cadaaladda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, xafiiska xeer ilaalinta guud ee Qaranka, ururada bixiya kaalmo sharciyeedka iyo qaar ka mid ah Jaamacadaha.

 

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Tabbabarka oo socon doona labo maalin ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa Hindise sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka dalka oo dhawaanahaanba diyaarintiisa ay ku howlaneed Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo diyaarinta sharcigaan Wasaaraddu ay la kaashatay Qubaro caalami ah.

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo furay tababarkaan ayaa kula dar daarmay ka qayb galayaasha inay si fiican u daraaseeyaan Hindise sharciyeedkaan oo muhiimad weyn uleh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Hindise sharciyeedkaan waa xeer muhiim ah, waxaan diyaraintiisa la kaashanay Qubaro Caalami ah, waxaa la idinka rabaa inaad ka doodaan daraasad ku sameysaan muhiimadda waxay tahay mawaadiniinta Soomaaliyeed dowladda xaq ma ugu leeyihiin dowladda Kaalmo sharciyeed dabcan waa haa”ayuu yiri Wasiirka Xasan.

Wasiirka ayaa xusay in Wasaaradda ay ku howlan tahay dhowr Hindise sharciyeed oo muhiim u ah Garsoorka dalka, isla markaana ay ka go’antahay in la soo gaba gabeeyo sida ugu dhaw.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Cambaareeyay Qaraxa Argagaxisada ka geysteen Muqdisho

Next Post

Faay Cali Raage… Hooyo iyo Halyey Qaran

Next Post
Faay Cali Raage… Hooyo iyo Halyey Qaran

Faay Cali Raage… Hooyo iyo Halyey Qaran

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In