Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo ka warbixiyay shir caalami ah oo uu kaga qeyb galay dalka Talyaaniga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 2, 2019
in Wararka
0
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo ka warbixiyay shir caalami ah oo uu kaga qeyb galay dalka Talyaaniga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka warbixiyay shir caalami ah oo uu kaga qeyb galay magaalada Rome ee xarunta dalka Talyaaniga.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirada Cadaaladda iyo Garsoorka dalalka caalamka ayaa waxaa diiradda lagu saaray Arrimaha Cadaaladda iyo Garsoorka, gaar ahaan ka hortagga faldanbiyeedka ka abuurma naceybka, kaas oo keeni karo xasuuq iyo dil wadareedka ah.

Related posts

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa shirka ka jeediyay khudbad taabaneysa horumarka Soomaaliya iyo dib u soo kabashada sida dhinacyada Amniga, Cadaaladda, Garsoorka, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha.

Wasiirku waxa uu u sheegay Wasiirada dhiggiisa ee Cadaaladda ee ka soo qeyb galay shirka iney xoogga saari doonaan ilaalinta xuquuqda adaanaha iyo ka hortaga fal dambiyeedyada culus.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku booriyay dalalka qeybta ka ahaa shirka iney shuruucdooda maxaliga ah oo ku dhisan dastuurka iyo heshiisyada caalamiga ah ay ogolaadaan in lagu dhaqmo si loo helo cadaalad waarto.

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meel mariyay ku noqoshada qoondada Miisaaniyadda Dowladda 2019 “SAWIRRO”

Next Post

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo xilkiisa si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”

Next Post
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo xilkiisa si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo xilkiisa si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In