Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo Shirka Qaramada Midoobay kaga hadlay arrimaha garsoorka dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 15, 2017
in Wararka
0
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo Shirka Qaramada Midoobay kaga hadlay arrimaha garsoorka dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkaan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa diirada lagu saaraa arrimaha Garsoorka iyo sidii loo horumarin lahaa Hannaanka Caddaaladeed, waxaana shirka lagu qabtay magaalada New York ee dalka Mareykanka Soomaaliya uga qayb galay Wasiirka cadaaladda dalka Mudane  Xasan Xuseen Xaaji oo shirkaas ka jeediyay khudbad dheer oo uu uga hadlay hannaanka  Garsoorka  Soomaaliya.

Wasiirka ayaa khudbadiisa waxa aa uu diiradda ku saaray sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay in la horumariyo hannaanka caddaallada dalka iyo dadku u helan garsoor hufan, waxaa uu Wasiirku halkaa ka sheegay in Wasaaraddu ay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhisi doonto golaha Adeega Garsoorka Dalka, sidoo kale ay sameyneyso guddiga la dagaallanka Musuq Maasuqa kuwaas oo aan hadda jirin .

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

“Waxaa hadda jira wax yar oo hor u kac ah oo laga sameeyay dhanka Garsoorka afartii sano ee ugu dambeysay, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka go’an in Garsoorka la horumariyo, waxaase jira caqabado badan oo cadaallada dalkeena horyaalla sida amni darada iyo awoodda dowladda oo aan ku filneyn”ayuu yiri Mudane Xaaji.

Wasiirka ayaa intii uu New York ku sugnaa waxaa uu kulan la qaatay mas’uuliyiin badan oo ka mid ahaa ka qayb galayaasha shirka, waxaana ka mid ah xubnaha uu la kulmay haweeneyda ugu sareysa Hay’ada UNDP ee Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta, waxaa sidoo kale uu khudbadiisa kaga codsaday Caalamka in dowladda Soomaaliya laga gacan siiyo dhismaha machadka tababarada Garsoorayaasha, taas oo qayb weyn ka qaada karta horumarinta caddaallada.

Previous Post

R.W Kheyre oo la dar-daarmay Ergooyinka Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee hannaanka dib-u-heshiinta “SAWIRRO”

Next Post

R.Wasaare Kheyre “Dagaalka Hiiraan waa in si shuruud la’aan ah loo joojiyaa”

Next Post
R/wasaare Khayrre oo Turkiga uga mahadceliyey taageerada kabka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka

R.Wasaare Kheyre “Dagaalka Hiiraan waa in si shuruud la'aan ah loo joojiyaa”

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In