Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda XFS oo Heshiis lagu Hormarinayo Garsoorka Dalka la Saxiixday UNSOM iyo UNDP

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Cadaaladda XFS oo Heshiis lagu Hormarinayo Garsoorka Dalka la Saxiixday UNSOM iyo UNDP
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

September 16, 2026
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026

Waa barnaamij socon doona 2018 ilaa 2021 kaas oo loogu tala galay in lagu hormariyo garsoorka dalka oo mudooyinkan dambe dib u habeyn balaarani ay ku socotay waxaana wasaaradda gacan ka siinaya xafiiska UN-ka u qaabilsan Soomaaliya ee Unsom iyo Hay’ada UN ka u qaabilsan Hormarinta ee UNDP.

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa xafiiskiisa kula saxiixday heshiis ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee UN ka u qaabilsan Soomaaliya Peter de Clerq iyo Madaxa UNDP Soomaaliya waxaana ay masuuliyiintu sheegeen in uu yahay barnaamijkan mid muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Peter de Clerq ku xigeenka ergayga UNka u qaabilsan Soomaaliya ayaa barnaamijkan uga mahad celiyay qaar ka mid ah dowladaha deeq-bixiyayaasha caalamka iyo dhamaanba dhinacyada gacanta ka geystay.

“Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa beesha caalamka iyo qaar ka mid ah deeq bixiyaasha sida Sweden Netherlands iyo midowga Yurub oo door weyn kulahaa barnaamijkan suurta galintiisa hay’ado badan oo UNka ah ayaa ka qayb qaatay sidoo kale lkn doorka ugu weyn waxaa leh xafiiska UNka ee Soomaaliya iyo UNDP”ayuu yiri Mr Clerq .

Wasiirka Cadaalada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid lagu hormarinayo Garsoorka Dalka uuna ka qayb ka qaadan doono dhismaha Hay’addaha Cadaalada dalka sida dhismaha Maxkamada Dastuuriga, Gudiga la dagaalanka Musuq maasuqa,Ururada Qareenada Dalka iyo dhinacyo kale isagoo u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay.

“Qorshahaan waxaa uu ka qayb qaadan doonaa dhismaha Bahda Cadaalada si gaar ah hay’adaha garsoorka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed isugu jira waxaan u mahad celinayaa dhamaan dhinacyadii gacan ka geestay UNka oo dhan qaasatan xafiiska ugu weyn ee Unsom iyo UNDP waxaa uu naga saacidi doonaa barnaamijkani dhismaha hay’addo ay ka mid yihiin Maxkamadii dastuuriga,gudiga la dagaalanka musuq maasuqa,Ururada qareenada dalka iyo kuwa kale “ayuu yiri Wasiirka.

Dhawaanahaanba waxaa socday dadaalo dib u habeyn loogu sameynayo nidaamka Cadaalada Dalka, iyadoo xilalkii laga qaaday qaar ka mid ah Masuuliyiinta Maxkamaddaha iyo Garsoorayaal, Wasiirka Cadaalada ayaana sheegay maanta in ujeedku yahay si loo helo Garsoor hufan oo bulshadu ku kalsoonaan karto.

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir oo Kormeer Shaqo ku tagay Maxkamadda Degmada Hodan

Next Post

In ka badan Soddon Qof oo ku dhaawacmay shil Diyaaradeed oo ka dhacay Kenya

Next Post
In ka badan Soddon Qof oo ku dhaawacmay shil Diyaaradeed oo ka dhacay Kenya

In ka badan Soddon Qof oo ku dhaawacmay shil Diyaaradeed oo ka dhacay Kenya

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

September 16, 2026
0

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhiirri gelineyso tacbashada iyo manaafacaadsiga Timirta.   War...

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa gaaray Degmada Xero Dhagaxley, isagoo qeyb ka ah...

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In