Wasiirka wasaaradda Caddaaladda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub oo maanta booqday xarunta wasaaraddaasi ee magaalada Muqdisho.
Mudane Xasaan Xuseen Xaaji wasiirka wasaaradda Caddaaladda ayaa xubnaha wafdigaasi kala hadlay arimo ay ka mid yihiin sidii loo horumarin lahaa adeegga garsoorka dalka.
Wasiirka Caddaaladda Mudane Xasaan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in wafdiga ka socday Midowga Yurub ay isla garteen in wasaaradda laga caawiyo qorshe howleedkeeda u degsan ee ku wajahan horumarinta hannaanka garsoorka.
Dhinac kale wasiirka Caddaaladda ayaa shiir u furay wakiillo ka kala socda mamuul goboleedyada dalka, waxaana uu sheegay in kulankaasi uu yahay mid looga hadlayo xariika mamuul goboleedyayad iyo Wasaarada Caddaaladda.