Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulan wada tashi ah oo u dhexeeya Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka XFS iyo Wasaaradaha Caddaaladda ee maamul Goboleedyada Dalka.
Shirka oo u jeedadiisu ahayd dib u bilaabidda xiriirka wada shaqyan ee u dhexyeeyay Wasaaradda Caddaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS iyo Wasaaradaha Caddaaladda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka maadaama uu hakad ku jiray muddadii lagu guda jiray doorashada.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macalin oo Shirka furay ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Caddaaladda ee Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka.
Wasiirka ayaa xusay in ay muhiim tahay in ay yeeshaan qorshe midaysan oo ku saabsan Hannaanka Cadaaladda iyo Asuubta si loo gaaro Caddaalad midaysan.