Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar ku saabsan Habka Diyaarinta Miisaaniyadda oo loo qabtay howlwadeennada Wasaaradda, kaas oo qeyb ka ah Mashruuca Maareynta Ammaanka, Caddaaladda iyo Isla-Xisaabtanka (SJGAP).
Tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu xoojiyo fahamka iyo karaanka howlwadeennada hay’adda, si ay si hufan oo waxtar leh u diyaariyaan miisaaniyadda sannadlaha ah, taas oo muhiim u ah hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee waaxyaha.










