Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji ,ayaa manta ka warbixiyay qodobo la xiriiray sida ay lagama maarmaanka u tahay dowlad wanaagga iyo toosinta maamulka hey’adha xukuumaddda Federaalka ee Soomaaliya.
Wasiirka oo manta ka hadlay kulanya todobaadka Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Lagu guuleystay diyaarnta sharciga la dagaalanka musuqa iyo dhismaha guddi madax bannaan oo u howlgala ilaalinta hantida umadda.
Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay im ay socdaan sameynta qorsho lagu dhameystirayo habraaca aasaasiga u ah shaqada guddiga madaxa bannaan iyo meel marinta sidii heyadaha dowaladda loogu dabaqi lahaa dhaqangalinta sharciga la dagaalanka musuqa.
Wasiirku,waxa uu Soo jeediyay in la taageero qorshaha dowladda ee ku aadan la dagaalanka musuqa iyo toosinta maamulka.