Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Wasiirka Cayaaraha oo daah furtay tartanka kubadda cagta ee Degmooyinka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Wasiirka Cayaaraha oo daah furtay tartanka kubadda cagta ee Degmooyinka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta daahfurtay tartanka kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno kale oo ka tirsan bahda cayaaraha, kaasi oo ka furmay Garoonka kubadda cagta ee Banaadir.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa u soo daawasho tegay kulankii maanta ee lagu daahfuray Degmooyinka Waaberi iyo Dharkeynleey, waxaan xidigaha labada dhinac ay soo bandhigeen cayaar aad u wanaagsan oo ay jecleysteen dadkii u soo daawasho tegay.

Guddoomiyaha Xirirka cayaaraha ee Maamulka Gobolka Banaadir Xasan Aadan Yabarow Wiish ayaa sheegay in diyaargarowga tartanka uu soo socday muddo saddex bil ah, waxaana uu cayaartooyda ka codsaday inay ilaaliyaan anshaxa tartanka u degsan.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in tartankan loogu talagalay isdhexgalka bulshada, isagoo shacabka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan amniga caasimadda.

Cayaartooyda Degmada Waberi ayaa guul ku bilaabay tartanka Degmooyinka Gobolka kadib markii 2-0 ay uga badiyeen dhigooda Dharkeenleey, iyadoo labo xidig oo ka mid ah xulka Waaberi ay qaateen kaarka casaanka ah, kadiib markii Garsooraha uu ku arkay qalaad ay ku galeen cayaartooyda kale ee ka tirsan Degmada Dharkeenleey.

Maalinta beri ah ayaa la filayaa in labo kulan uu ka dhaco garoonka Banaadir stadium ee degmada C/casiis kaasi oo ay isku arki doonaan Warta Nabadda iyo Hodan, halka ay sidoo kale wada cayaari doonaan Yaaqshiid iyo Shangaani.

Waberi oo ah ku guuleystayaasha tartanka sanadkii hore ayaa ka mid ah degmooyinka loo saadalinayo inay tartankan ku guuleystaan.

Previous Post

Ciidanka Ururka 60-aad oo kulan sagootin ah u sameeyey Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka “SAWIRRO”

Next Post

Daawo Sawirrada: Shirki nabadeynta ee ka socday Cadale oo meel wanaagsan maraya

Next Post
Daawo Sawirrada: Shirki nabadeynta ee ka socday Cadale oo meel wanaagsan maraya

Daawo Sawirrada: Shirki nabadeynta ee ka socday Cadale oo meel wanaagsan maraya

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In