Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Wasiirka Cayaaraha oo daah furtay tartanka kubadda cagta ee Degmooyinka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Wasiirka Cayaaraha oo daah furtay tartanka kubadda cagta ee Degmooyinka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta daahfurtay tartanka kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno kale oo ka tirsan bahda cayaaraha, kaasi oo ka furmay Garoonka kubadda cagta ee Banaadir.

 

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa u soo daawasho tegay kulankii maanta ee lagu daahfuray Degmooyinka Waaberi iyo Dharkeynleey, waxaan xidigaha labada dhinac ay soo bandhigeen cayaar aad u wanaagsan oo ay jecleysteen dadkii u soo daawasho tegay.

Guddoomiyaha Xirirka cayaaraha ee Maamulka Gobolka Banaadir Xasan Aadan Yabarow Wiish ayaa sheegay in diyaargarowga tartanka uu soo socday muddo saddex bil ah, waxaana uu cayaartooyda ka codsaday inay ilaaliyaan anshaxa tartanka u degsan.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in tartankan loogu talagalay isdhexgalka bulshada, isagoo shacabka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan amniga caasimadda.

Cayaartooyda Degmada Waberi ayaa guul ku bilaabay tartanka Degmooyinka Gobolka kadib markii 2-0 ay uga badiyeen dhigooda Dharkeenleey, iyadoo labo xidig oo ka mid ah xulka Waaberi ay qaateen kaarka casaanka ah, kadiib markii Garsooraha uu ku arkay qalaad ay ku galeen cayaartooyda kale ee ka tirsan Degmada Dharkeenleey.

Maalinta beri ah ayaa la filayaa in labo kulan uu ka dhaco garoonka Banaadir stadium ee degmada C/casiis kaasi oo ay isku arki doonaan Warta Nabadda iyo Hodan, halka ay sidoo kale wada cayaari doonaan Yaaqshiid iyo Shangaani.

Waberi oo ah ku guuleystayaasha tartanka sanadkii hore ayaa ka mid ah degmooyinka loo saadalinayo inay tartankan ku guuleystaan.

 

Previous Post

Ciidanka Ururka 60-aad oo kulan sagootin ah u sameeyey Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka “SAWIRRO”

Next Post

Daawo Sawirrada: Shirki nabadeynta ee ka socday Cadale oo meel wanaagsan maraya

Next Post
Daawo Sawirrada: Shirki nabadeynta ee ka socday Cadale oo meel wanaagsan maraya

Daawo Sawirrada: Shirki nabadeynta ee ka socday Cadale oo meel wanaagsan maraya

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In