Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil Maxamed Barre Maxamuud, ayaa magacaabay Guddiga Qaban Qaabada Ciyaaraha Dowlad Gobaleedyada, SSC Khaatumo iyo Gobolka Banaadir 2023-2024.
Guddigaan uu maanta magacaabay Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa ka shaqeyn doona qaban qaabada tartankaan oo lagu waddo in magaalada Muqdisho lagu qabto Bartamaha bisha December ee 2023.
Guddiga ayaa ka kooban todobo xubnood kuwaas oo ay ku jiraan guddoomiyaha guddiga oo loo magacaabay Cabdiraxiin Warsame Diiriye, halka guddoomiye ku-xigeenka guddiga laga dhigay Axmed Faarax Taqal.
Guddiga laga magacaabay ayaa kala ah: Abdirahim Warsame Dirie: Guddoomiye
Axmed Faarax Taqal : Guddoomiye ku-xigeenka
Sacid Mohamed Hassan : Xoghayaha
Mohamed Xulow Hussen: Xubin
Cabdullaahi Cabdi Maxamed :Xubin
Abukar Islow Hassan : Xubin
Abdiqani Abdullahi Abow: Xubin
SSC Khaatumo,ayaa markii ugu horraysay fursad u helaysa ka qeyb-galka tartanka Ciyaaraha ee maamul gobolleedyada dalka oo sanadkaan SSC qeyb ka tahay.