Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Masar 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ciyaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Masar 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ka qeyb-galaya isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo shirka 46-aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa shir doceed muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Masar Dr Ashraf Subxi oo ah xilligan madaxa golaha Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee dalalka Jaamacadda Carabta.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Masar Dr Ashraf Subxi, ayaa ka wada hadlay iskaashi dhex mara labada Wasaaraddood ee dhinacyada kobcinta iyo tababarrada dhallinyarada iyo horumarinta garoomada cayaaraha, iyadoo dowladda Masar ay ka tageerayso wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya tababaridda dhallinyaro la barayo xirfado kala duwan iyo koorsooyin gaa-gaaban.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Kulanka labada wasiir waxaa ka qaybgelay agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo saraakiil kale oo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka tirsan.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeedin doona shirka Wasiirrada dhalinyarada iyo cayaaraha ee wadamada Carabta oo ka furmay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Previous Post

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo xeer nidaamiye ka soo saartay Lacagaha laga qaadaayo adeegyada Maxkamaddaha

Next Post

Somali Prime Minister receives newly appointed Ambassador of Ethiopia

Next Post
Somali Prime Minister receives newly appointed Ambassador of Ethiopia

Somali Prime Minister receives newly appointed Ambassador of Ethiopia

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In