Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo Xilka la wareegay

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo Xilka la wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
Muqdisho, 25 November 2021; Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta xilka kala Wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, iyadoo kulanku goob-joog ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos .
Mudane Cabdisaciid Muuse Cali Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa soo bandhigay qorshihiisa ku aaddan dardar gelinta shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.
“Aniga oo ku kalsoon hawl-karnimada iyo tayada hawl-wadeennada Wasaaradda iyo dhamman dublumaasiyiinta Soomaaliyeed, waxaan ku rajo weynahay in shaqada muhiimka ah ee Wasaaraddani ay Qaranka u hayso aan sii labo jibbaarno, kana sii ambaqaadno halka ay maanta joogto.”
Dhankiisa, Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ka warbixiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayey, isaga oo Wasiirrada Cusub u rajeeyey sii ambaqaadidda waajibaadyada qaran ee horyaalla.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo goobjoog ka ahaa Munaasabadda Xil Wareejinta ayaa bogaadiyey shaqooyinkii uu soo qabtay Wasiirkii Hore, isaga oo Wasiirrada Cusub ugu hambalyeey wajibaadka qaran ee ay qaadeen.
Munaasabaddan waxaa kaqayb galay masuuliyiin ka socdey Goleyaasha Dowladda ee Xukuumaadda iyo Baarlamaanka, iyo Howl wadeennada iyo Diblomaasiyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Tags: Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo Xilka la wareegay
Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Taliyaha iyo Taliye xigeenka qeybta Booliska ee Gobolka Cayn.

Next Post

Wafdi ay horkacayso Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Ceelberde

Next Post
Wafdi ay horkacayso Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Ceelberde

Wafdi ay horkacayso Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Ceelberde

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In