Saturday, August 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cusub Ee Boostada iyo Isgaarsiinta oo Maanta xilka la wareegay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

August 8, 2026
Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

August 8, 2026

Xaflad si heersare loosoo agaasimay ayaa maanta  ka dhacday xarunta Boostada iyo Boostada Isgaarsiinta taasoo Wasiirka cusub ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Guuleed Xuseen Qaasim uu  xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda mudane Maxamed Ibraahim Aadan. Xafladan oo ay kasoo qaybgalaan madax kasocota xafiiska Raisul Wasaaraha, Xeer illaaliyaha iyo Hanti dhawrka iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Shirkan ayaa lagu furay aayadaha Quraanka Kariimka ah, waxaana hadal kooban ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi isagoo sheegey inay tahay markii ugu horeysey oo Xarunta Boostada iyo Isgaarsiiinta lagu qabtay xaflad xil wareejin ah waxuuna agaasimuhu u mahadceliyay shaqaalaha wasaaradda iyo ciidamada amniga oo suuragaliyay xafladda.
Waxaa ka hadlay xafladda Hanti Dhawrka Guud Dr Nuur Faarax oo sheegay in muhiimadda kala wareejinta xilalka ay tahay in Xafiiskiisu goobjog ka ahaado ay tahay in la hubiyo hantida wasaaradda iyo heshiisyada ay wasaaraduhu galaan oo sharci noqon kara kaliya marka laga diwaangaliyo Xafiiska Hanti Dhawrka Guud. Dr Nuur ayaa ka hadlay muhiimadda Wasaaradda Boostad iyo Isgaarsiintu leedahay iyo sida looga rabo iney dakhli badan soo galiso dawladda.
Kadib waxaa lagu soo dhaweeyey Mudane Axmed Cali Salaad (Taako) wasiir kuxigeenkii hore ee wasaaradda oo ka sheekeeyey waxqabadkii wasaaradda muddadii ay xilka hayeen waxuuna aad ugu mahadceliyay shaqaalaha wasaaradda waxuuna kula dardaarmay inay siday ula shaqeeyeen ula shaqeeyaan wasiirada cusub.
Waxaa la wareegay hadalka wasiirkii hore Maxamed Ibraahim oo ka sheekeeyey maraxladihii lasoo maray iyo meesha hadda ay hawshu mareyso.” Anigu waan ogahay waxaan ubadnaa safaro dibadda ah waxaana ujeedku ahaa inaan soo ceshano waxa dibadda inaga jira oo dhanba, illaahay mahaddii maanta waynu haysanaa waxii inaga maqnaa oo dalkey yaallaan”.
Wasiirkii hore ayaa u hambalyeeyey wasiirka cusub isagoo sheegey inay hortaalo hawlo badan oo muhiim ah.
Waxaa goobta ka hadlay isaguna wasiir ku xigeenka cusub Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil una mahadceliyay shaqaalaha wasaaradda iyo masuuliyiinta kasocota Xafiiska Raisul Wasaaraha, Xeer Ilaaliyaha iyo Hanti Dhawrka iyo shaqaalaha wasaaraddaba. Wasiir xigeen Jamaal ayaasoo dhaweeyey wasiirka cusub ee wasaaradda inuu ka dhaho kalmadaha ku aaddan.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Mudane Guuleed Xuseen Qaasim oo ka hadlay madasha ayaa u mahadceliyay dhamaan kasoo qaybgalayaashii shirka iyo guddida loo xilsaaray xilwareejinta waxuuna ka warbixiyay hiigsiga horyaalla wasiirada cusub ee wasaaradda. Wasiirka oo khudbad kooban jeediyay ayaa sheegey in shaqadu tahay mid isku dhiib ah uuna kasii wado meesha uu kaga tagay wasiir Maxamed Ibrahim waxuuna ka codsadey shaqaalaha wasaaraddu iney u diyaargaroobaan shaqo  iyo rajo wanaagsan.
Hadalkaas kadib waxaa la galay saxiixii xilwareejinta waxuuna wasiirka cusub ee Mudane Guuleed Xuseen Qaasim iyo Wasiir Kuxigeen Jamaal Xasan Ismaaciil ay kula wareegeen xafiisyadooda kadibna waxey kormeer kusoo sameeyaan dhismaha wasaaradda iyo kulamo la qaatay Agaasimayaasha wasaaradda.
Previous Post

Ogeysiis shaqo ka banaan Premier Bank

Next Post

Madaxweynaha Jamhuuriyada oo Khudbad ka jeediyay Xuska Ururkii Xornimo Doonka Dalka Ethiopia

Next Post
Madaxweynaha Jamhuuriyada oo Khudbad ka jeediyay Xuska Ururkii Xornimo Doonka Dalka Ethiopia

Madaxweynaha Jamhuuriyada oo Khudbad ka jeediyay Xuska Ururkii Xornimo Doonka Dalka Ethiopia

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kulan ku yeeshay xafiiskiisa ku yaalla Xarunta Guddoonka...

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026, iyadoo Soomaaliya ay si muuqata...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Turkiga,...

Hay’adda NISA oo fashilisay shabakad qorshaynaysay carqaladaynta amniga caasimadda

Hay’adda NISA oo fashilisay shabakad qorshaynaysay carqaladaynta amniga caasimadda

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay Sagaal dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In