Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey, Wasiirkii hore ee Caafimaadka, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cali Xaaji Aadan.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Caafimaadka ayaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Fowsiya Abiikar Nuur kaga warbixisay waxyaabihii u qabsoomay, waxaana Wasiirka cusub ee xilka la wareegay Mudane Cali Xaaji Aadan uu balan qaaday in uu howsha halkeeda ka sii wadi doono.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa uga mahad celiyey Wasiirkii hore, shaqooyinkii ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u soo qabatay. Isagoo Wasiirka cusub Alle uga baryey in uu u fududeeyo masuuliyadda culus.