Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cusub ee Warfaafinta oo maanta xilkiisa loo dhaariyay “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Cusub ee Warfaafinta oo maanta xilkiisa loo dhaariyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle.

kulanka waxa uu ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa, waxana goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim ( Muudeey ), qaar ka mid ah guddiyada joogtada iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Related posts

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

March 7, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

March 7, 2026

Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ah guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka iyo anshaxa ee Golaha Shacabka ayaa Wasiirka cusub dhaariyay.

Dhaarinta ka dib ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh c/raxmaan waxa uu wasiirka cusub kula dardaarmay inuu si wanaagsan shaqadiisa u guto.

waxa uu sidoo kale sheegay in wasiirka cusub loogu baahan yahay in uu ka shaqeeyo hormarinta Warbaahinta Qaranka iyo xoojinta xiriirka warbaahinta madaxa banaan iyo dowladda.

” Soo dhawaw Wasiir, runtii waxaa tahay Nin aqoon u leh shaqada warbaahinta waan aaminsanahay inad ka soo bixi karto howshan, Golaha Shacabka waajibaadkiisa korjoogteynta ah wu gudanaya Insha ALLAH” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa balan qaaday inuu si sax ah ugu soo bixi doono xilka loo dhaariyay, kana shaqeyn doono sidii wada shaqeyn dhaw uu ula yeelan lahaa guddiyada Golaha Shacabka ee wasaaradiisa wada shaqeynta kala dhaxeyso.

Ugu dambeyn Xildhibanaadii goobjooga ka ahaa kulanka ayaa Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, una rajeeyay inuu Alle ku amaansado.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeele oo faah faahin ka bixiyay kulamo uu Nairobi kula soo yeeshey madaxda Hay’ado Caalami ah+sawiro

Next Post

Hoooyo hurud’ hurdo fiican.!!!

Next Post
Hoooyo hurud’ hurdo fiican.!!!

Hoooyo hurud' hurdo fiican.!!!

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya Sareeye Guuto C/risaaq Maxamuud Xaaji (Qaloombi), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Qaran ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT),...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray dalka Tanzania

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray dalka Tanzania

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Arusha ee...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ciidanka Qaranka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In