Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Wakiilka QM Ee Soomaaliya James Swan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Wakiilka QM Ee Soomaaliya James Swan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan oo uu dhowaan soo magacaabay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Wasiir Saalax ayaa ugau horrayn uga warbixiyay guulaha laga gaaray howlaha dib-u-eegista Dastuurka iyo sida ay dowladda uga go’antahay in ay dhamaystirto dib-u-eegista Dastuurka dhammaadka sanadkan.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Wasiirka ayaa sheegay in la dhihi karo Dastuurka waa uu dhamaaday balse waxa dhiman ay tahay in madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ka heshiiyaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed.

Sidoo kale, Wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in u jeeddada ugu wayn ay tahay in Soomaaliya noqoto dowlad hannaanka Federalka iyo Demoqraadiyaddu si sax ah uga dhaqan gasho, taasna ay ku xirantahay Dastuurka oo la dhamaystiro.

“Si Soomaaliya u noqoto dowlad Federal ah oo demoqraadiyaddu si fiican uga dhaqan gasho, waxaa lagama-maarmaan ah in la dhamaystiro dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax Axmed Jaamac.

Dhanka kale, Wakiilka Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan ayaa ka mahadceliyay soo dhowaynta waxa uuna boqgaadiyay guulaha laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka, sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in Qaramada Midoobay ay sii wadayso taageeradeeda Soomaaliya gaar ahaan dib-u-eegista Dastuurka oo uu shegay in ay muhiim tahay in la helo dastuur lagu heshiiyay.

Sidoo kale, Wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimaha UNDP- Soomaaliya Mr. Jocelyn Mason ee dhowaan la soo magacaabay, iyagoo kawada hadlay sida loo sii wadi lahaa wada shaqaynta UNDP iyo Wasaaradda Dastuurka. UNDP ayaa ka teegeerta Soomaaliya arrimo badan oo ay ka mid tahay dib-u-eegista Dastuurka.

 

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Qaar Kamid Ah Haweenka Magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhallinyaro Kula Kulmay magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhallinyaro Kula Kulmay magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhallinyaro Kula Kulmay magaalada Dhuusamareeb "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In