Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Deegaanka XFS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Deegaanka XFS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Bashiir Maxamed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo u jooga dalka Kenya, isla markaana uu wehlinayo Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa kormeer shaqo ku tegay xarunta Wasaaradda Deegaanka ee dalka Kenya, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Wasiirka Deegaanka iyo isbadalka Cimillada Kenya Aadan Barre Ducaale.

Intaa kadib labada Wasiir iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay ayaa yeeshay kulan is xogwareysi ah, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada Wasaaradood, Wanaajinta Xiriirka labbada dal iyo Ilaalinta deegaanka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Labada Wasiir ayaa sidoo kale waxa ay isla meel dhigeen Ilaalinta iyo ka hortegidda xaalufinta Dhirta oo muhiimad gooni ah u leh Dadka iyo deegaanka, waxaana ay si wadajir ah u qireen in isbeddelka ku yimid cimilada uu saameyn ku yeeshay bulshada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo isna kulanka ka hadlay ayaa xusay in Labada dowladood ay lagama maarmaantahay inay kala saxiixdaan heshiis is-afgarad ah (MOU) oo ku saabsan horumarinta deegaanka, isla markaana la magacaabo guddiyo farsamo oo arrintaas dardargeliyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay dadaal ugu jirta sidii ay u yareyn lahayd saameynta isbeddelka cimilada uu ku yeeshay bulshada, iyadoo mararka qaar dalkeenu ay ka jiraan abaaro baahsan, xilina ay dadku ka barakacaan fatahaado.

Previous Post

Ciidanka xoogga jab xooggan u geystay khawaarijta

Next Post

Ciidanka Qaranka iyo AFRICOM oo Duqeyn ku Naafeeyay Khawaarijta

Next Post
Ciidanka Qaranka iyo AFRICOM oo Duqeyn ku Naafeeyay Khawaarijta

Ciidanka Qaranka iyo AFRICOM oo Duqeyn ku Naafeeyay Khawaarijta

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In