Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca “Dowladdu waxay u tanaasulaysaa danta shacabka, kumana kor gor-gortameyso iyagoo dhibaateysan”:-War-Saxaafadeed+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca “Dowladdu waxay u tanaasulaysaa danta shacabka, kumana kor gor-gortameyso iyagoo dhibaateysan”:-War-Saxaafadeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guriceel, March 8, 2015….Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane  C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahaan socdaal shaqo ku joogay gobolka Galgaduud ayaa kormeer ku gaaray qaar kamid ah meelihii ay dadku ku barakaceen iyo goobaha ganacsiga ee degmada Guriceel, isagoo dhinaca kale kormeer ku tagey Dugsiga tababarka Har-qadoobe  ee qeybta 21-aad halkaas oo ay la wareegeen Ciidamo ka socda AMISOM, isla markaana laga raray ciidamadii horey u daganaa kuwaas oo dagi doona degmad Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa ugu horeyn booqday mid kamid ah goobaha dhaca duleedka magaalada oo ay dagan yihiin dadkii ay colaaduhu ka barakiciyeen guryahooda, wuxuna u sheegay dowladda Soomaaliya in ay mar walba garab taagan tahay dadkeeda isla markaana ay hadda ku noqon karaan guryahoodii maadaama heshiis laga gaaray dagaalkii dhacay.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

“Aad iyo aad ayaan uga xumaha in aad kasoo barakacdaan guryihiinii halkana ay dhibaato idin ku hayso, waa  murugo in aan aragno mustaqbalkii dalkeena oo haysan nolol iyo waxbarasho, waxaase aad u sii murugo ah in aan arko ilmo yar oo haysan gabaad ay maciinsadaan saarana geedaha korkooda, waxaan arkay ilmo 8 sano ka yar oo qori loo dhiibay halkii School loo diri lahaa, taasna waxaa sababay dhibaatada ay colaaddu leedahay, waxaan arkay mustaqbalkii dalkeena oo banaanada ku dayacan. Waxaa lagama maarmaan ah inaan fahamno, garawsanno una istaagno, inaan isku tashanno oo aan ka gudubno dhibka na dhex yaal ee noo diidan horumarka” ayuu yiri Wasiirka Difaaca oo la hadlayay dadkii isaga barakacay magaalada Guriceel.

Sidoo kale Wasiirka ayaa kormeer ku tagay suuqyada magaalada Guriceel halkaas oo ay dadku dib ugu soo laabanayaan goobahoodii ganacsiga, waxana ay wasiirka uga mahadceliyeen dadkii kala duwanaa ee lala kulmay heshiiska uu hormuudka u ahaa ee laga gaaray colaaddii uu dhiigu ku daatay ee ka dhacday deegaanka. Iyadoo uu Wasiirku xusay in tallaabada ay dadku goobahoodii dib ugu soo noqonayaan ay qayb ka tahay socdaalkii nabad raadinta ee uu gobolka u soo gaaray.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa maanta booqday Dugsiga tababarka Ciidamadda ee Har-qaboobe, wuxuna halkaasi kula hadlay saraakiisha Ciidamadda Xogga dalka Soomaliyeed, wuxuna ku ammaanay sida ay uga go’an tahay nabad in wax walba lagu raadiyo, iyadoo ay ammaanka xerada la wareegeen Ciidanka AMISOM.
“Ujeedkeennu waa in ay dadku nabad helaan dibna ugu soo noqdaan gurhaoodii, goobtan oo ahayd fariisin ciidan hadda waxaa sii joogi doona AMISOM oo maanta aan ku wareejinay amniga goobahii ay dirirtu ka dhacday, mar walba waa naga go’an tahay in dadkeena ay xasilooni ku joogaan guryahooda waayo waxaan khibrad nagu filan u haysanaa dagaallada aan laga fiirsan ee micno darrada ku dhaca” ayuu yiri Wasiirka Difaaca.

—DHAMMAAD—

20150307_110634 20150307_110832 20150307_112038 20150307_112423 20150307_112630 20150307_112638 20150307_113052 20150307_120307 20150307_121355 20150307_121459 20150307_122810 20150307_122842 20150307_122915 IMG_0258 IMG_0289 IMG_8692

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

NUSOJ oo ku baaqday in Haweenka Suxufiyiinta ah Door hoggaamineed laga siiyo Warbaahinta

Next Post
Xuska Maalinta Haweenka Aduunka oo Garoowe lagu qabtay”SAWIRRO”

NUSOJ oo ku baaqday in Haweenka Suxufiyiinta ah Door hoggaamineed laga siiyo Warbaahinta

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In