Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka difaaca ee dalka oo sheegay in xarumo cusub loo dhisi doono ciidanka Xoogga Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka difaaca ee dalka oo sheegay in xarumo cusub loo dhisi doono ciidanka Xoogga Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay in Wasaaraddu ay dhisayso xarumo cusub oo ay ciidanka xooga dalka ku yeelan doonaan deegaannada Dowlad Goboleedyada dalka ee qeybta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Maxamed Wasiirka Dicaafa ee dalka oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’antahay dhismaha ciidanka qalabka sida, ayna qorsheynayaan dhismaha xarumo cuusb oo laga hirgelinayo gobollada dalka,

Related posts

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026

“Xaqiiqdii dib u habeynta ciidanka lagu sameeyay iyo kaalmada la siiyo ciidanka xoogga dalka, waxay fursad noo siisay in 18-ka bishan aan dhisno xarun cusub oo ay yeelanayaan qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka iyo in aan dhagax dhigno xarumo kale oo horleh oo aan ka hirgelineyno dowlad goboleedyada oo ay ugu soo horeyso Hirshabeelle, waxaana soo gaarnay marxalad lagu faani karo ciidanka xoogga dalka”ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga dalka.

Wasiirka difaaca ee Soomaaliya ayaa mar uu ka hadlayay ciidamada xoogga dalka ee ka howgalla Gobolka Gedo ayuu ku sheegay inay gudanayaan waajibaadka ciidanka ka saaran difaaca waddanka, isla markaana ay keentay in halkaasi ciidanka loogu diro baahi jirto awgeed.

“Ciidanka xoogga dalka waxaa saaran waajibaad ah difaaca cirka, badda iyo dhulka, dhulkana waxaa ka mid ah waajibaadka ciidanka xooggu loo xilsaaray, ciidanka waajibaad ayay leeyihiin oo ay u madax banaantahay Wasaaradda difaaca, Taliyaha ciidanka xoogga dalka uu u madax banaanyahay, waxaana ciidanka loo dirayaa meeshi ay baahi ka timaado, maamul goboleedyadana ma quseyso arrimaha ciidanka xoogga dalka.” Ayuu yiri Wasiir Xasan Cali Maxamed.

 

 

 

 

Previous Post

Lix ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay dalka Kenya

Next Post

AMISOM trains 198 new police recruits in Hirshabelle State, Jowhar

Next Post
AMISOM trains 198 new police recruits in Hirshabelle State, Jowhar

AMISOM trains 198 new police recruits in Hirshabelle State, Jowhar

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya, kana horyimid aqoonsi beenaadka

January 10, 2026
0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada...

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

January 10, 2026
0

The Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held its 22nd extraordinary session today, Saturday, 10...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Somalia FM Addresses OIC Meeting, Calls for Protection of Somalia’s Sovereignty

January 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, delivered a speech on Saturday evening at the...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In