Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka difaaca ee dalka oo sheegay in xarumo cusub loo dhisi doono ciidanka Xoogga Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka difaaca ee dalka oo sheegay in xarumo cusub loo dhisi doono ciidanka Xoogga Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay in Wasaaraddu ay dhisayso xarumo cusub oo ay ciidanka xooga dalka ku yeelan doonaan deegaannada Dowlad Goboleedyada dalka ee qeybta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Maxamed Wasiirka Dicaafa ee dalka oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’antahay dhismaha ciidanka qalabka sida, ayna qorsheynayaan dhismaha xarumo cuusb oo laga hirgelinayo gobollada dalka,

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

“Xaqiiqdii dib u habeynta ciidanka lagu sameeyay iyo kaalmada la siiyo ciidanka xoogga dalka, waxay fursad noo siisay in 18-ka bishan aan dhisno xarun cusub oo ay yeelanayaan qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka iyo in aan dhagax dhigno xarumo kale oo horleh oo aan ka hirgelineyno dowlad goboleedyada oo ay ugu soo horeyso Hirshabeelle, waxaana soo gaarnay marxalad lagu faani karo ciidanka xoogga dalka”ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga dalka.

Wasiirka difaaca ee Soomaaliya ayaa mar uu ka hadlayay ciidamada xoogga dalka ee ka howgalla Gobolka Gedo ayuu ku sheegay inay gudanayaan waajibaadka ciidanka ka saaran difaaca waddanka, isla markaana ay keentay in halkaasi ciidanka loogu diro baahi jirto awgeed.

“Ciidanka xoogga dalka waxaa saaran waajibaad ah difaaca cirka, badda iyo dhulka, dhulkana waxaa ka mid ah waajibaadka ciidanka xooggu loo xilsaaray, ciidanka waajibaad ayay leeyihiin oo ay u madax banaantahay Wasaaradda difaaca, Taliyaha ciidanka xoogga dalka uu u madax banaanyahay, waxaana ciidanka loo dirayaa meeshi ay baahi ka timaado, maamul goboleedyadana ma quseyso arrimaha ciidanka xoogga dalka.” Ayuu yiri Wasiir Xasan Cali Maxamed.

Previous Post

Lix ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay dalka Kenya

Next Post

AMISOM trains 198 new police recruits in Hirshabelle State, Jowhar

Next Post
AMISOM trains 198 new police recruits in Hirshabelle State, Jowhar

AMISOM trains 198 new police recruits in Hirshabelle State, Jowhar

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In