Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka iyo Saraakiil kale ka tirsan Taliska 27aad ee XDS, isla markaana howlo shaqo u jooga magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaasi oo ay kaga wada hadleen dardargelinta howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab oo maalmihii dambe si xoogleh uga socday deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo laga gaaray guulo muhiim ah.
Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa si wada jir ah u xusay doorka ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin ciribtirka guud ahaan dalka dhagarqabayaasha Al-Shabaab, waxaana uu Wasiirka balan qaaday in argagixisada Al-Shabaab laga cirib tiri doono guud ahaan dalka ayna dhiirigelin u sameyn doonaan saraakiisha hogaamineysa howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ee habeen iyo maalin u taagan sidii guud ahaan Soomaaliya looga sifeyn lahaa dhagarqabayaasha Al-Shabaab.
Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo uu wehliyo Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa shalay gelinkii dambe kormeeray fariisimaha ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin aagga hore ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ku booriyay ciidamada in la sii labo jibaaro howlgallada guud ahaan gobolka looga ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab.