Saturday, November 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warbixin Ka Dhagaystay Guddiga Amniga Qaranka Ayaa Kadib Farriin U Diray Shacabka Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warbixin Ka Dhagaystay Guddiga Amniga Qaranka Ayaa Kadib Farriin U Diray Shacabka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Guddiga Amniga Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo qorsheyaasha dowladda ee dabar-goynta argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay diyaar garoowga uu bilaabay tan iyo markii uu xilka yimid, kaas oo ku aaddan xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisada Alshabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabaddeenna, dowladnimadeenna iyo madaxbannaanideenna.

Related posts

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

November 7, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026

โ€œWaxaa naga goโ€™an in aan argagaxisada dhibaatada ku ah shacabkeenna awood-tirno, ilaa laga xoraynayo dhammaan deegaannada ay xoogga ku haystaan. Qorshahaasi waa mid fulintiisa iyo diyaargarawgiisu ay socdaan, waa qorshaha mudnaanta koowaad u leh dowladdeennaโ€.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in Hadafka ugu weyn ee argagixisada Alshabaab ay ka leeyihiin weerarrada gaadmada ah ee ay ku beegsanayaan goobaha ay shacabku isugu yimaadaan ay tahay in la niyad-jabiyo dadka Soomaaliyeed, dowladdana laga mashquuliyo qorsheheeda xoreynta dalka.

โ€œShacabka Soomaaliyeedoow, waan ogahay inaad ku daasheen tacsida iyo barooradiiqda joogtada ah. Waan ogahay in qarax walba oo ay argagaxisadu soo maleegaan aad ku weydaan dad agtiinna qaali ku ah, sidaasi awgeed, waxa aan idinka codsanayaa inaad u diyaargarawdaan dagaal aan waxba lala harayn oo lala galo arxan-laawayaasha liddiga ku ah nabaddeenna iyo dowladnimadeennaโ€.

Shirka Guddiga Amniga Qaranka oo ay ka soo qeyb-galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiirrada Arrimaha, Dibadda, Amniga, Gudaha, Maaliyadda iyo Caddaaladda, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-sugidda Lataliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka, halka Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ay kaga qeyb galeen dhanka khadka, waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan weerarkii hotel Xayaat, u diyaar-garoowga Shirka Golaha Amniga Qaranka iyo qorshaha xasilinta dalka.

Previous Post

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta La Dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab

Next Post

QM oo sheegtay inay sii xoogeysatay Abaarta kajirta geeska Afrika

Next Post
QM oo War kasoo saartay Abaaraha kajira qeybo kamid ah Sooomaaliya

QM oo sheegtay inay sii xoogeysatay Abaarta kajirta geeska Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

November 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu hor dhaariyay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan...

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA CALEEMO-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaanka la doortay ee Dowlad Goboleedka...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO KA QEYB GALAY CALEEMA-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA BFS OO KA QEYB GALAY CALEEMA-SAARKA HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

November 5, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐š๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ง (๐‡๐š๐ฅ๐ฆ๐ž๐ž๐ฅ)

November 4, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasime ku-xigeenka Xarunta Adeegyada Mideysan (Halmeel). Mudane Xamsa oo cuskanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In