Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo colaadda Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 26, 2016
in Wararka
0
Wasiirka difaaca oo booqday degmada Garbahaarreey ee gobolka Gedo-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wareysi gaar ah oo warbaahinta Qaranka uu siiyay Wasiirka Gaashanadhigga Dwoladda Federaalka Somaaliya Mudane Cabduqaadir Sheekh Cali Diini ayuu kaga hadlay colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, wxuuuna Wasiirku meesha ka saaray wararka sheegaya in ciidanka xoogga dalka ay ka qeyb qaateen daagalada magaalada Gaalakcyo ku dhexmaray Maamulada Puntiland iyo galmudug.

Wasiirka ayaa xusay in Ciidanka xoogga dalka ay dhex dhexaad ka yihiin colaaadda Gaalkacyo, islamarkaana waajibkooda uu yahay inay ilaaliyaan oo ay  bad baadiyaan shacabka .

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

“Waxaan rabaa inaan halkaan ka cadeeyo warar malamahana soo baxayay oo ah in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku lug leeyihiin dagaalada Gaalkacyo oo dad walaalo ah u dhexeeya, shacab badana ay khasaara kasoo gaareeen, ciidanka xoogga dalka waxay leeyhihiin astaamo ugaar ah oo lagu garto, mana ku lug laha wax halkasi ka dhacaya”ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Sheekh Cali Diini ayaa ugu baaqay waxgaradka, ganacsatada iyo culimada Gobolka Mudug inay ku dadaalaan joojinta dagaalka kusoo laa laabtay Magaalada gaalkacyo.

“Waxagaradka,Ganacsatada, culimada iyo maamulada labada gobol waa inay u istagaana joojinta colaadda Gaalkacyo, waayo dad walaalo ah ayaa is dilaya, aniga shaqsi ahaan si gaar ah ayaan ugala hadlay Madaxweynaha iyo Ra’iisul asaaraha dalka in arintaasi si deg deg ah wax looga qabto, weyna garawsadeen marka dadkaas walaalaha ah ha lakala dhaxgalo sidaa ayaan ku baaqayaa”ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Gambia oo ku biirtay dalalka ka baxaya Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC.

Next Post

Madaxda Qaranka oo sagootin u sameysay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Next Post
Madaxda Qaranka oo sagootin u sameysay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxda Qaranka oo sagootin u sameysay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In