Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca: Guud ahaan ATMIS in kabadan 27 goobood ayaa lagala wareegay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca: Guud ahaan ATMIS in kabadan 27 goobood ayaa lagala wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka faah-faahiyay qorshaha howlgalka gaba-gabada ah ee ATMIS.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay kala wareegeen howlgalka ATMIS in kabadan 27 xarumo oo guud ah dalka.

Related posts

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wajigii 3-aad wuu dhameeyay, guud ahaan ATMIS in kabadan 27 goobood ayaa lagala wareegay, in intaas lamid ah ilaa 2024 waa la dhameystirayaa oo ay 3 bilood uun ka dhimantahay, kaas oo howgalka ku egyahay dhamaadka sanadkan

Wasiirka ayaa dhanka kale ka hadlay howlgalka cusub ee AUSOM, kaas oo bilaaban doono waxii ka dambeeyo sanadkan, isagoo sheegay inay socdaan arrimo farsamo ee lagu dhameystirayo howlgalka cusub ee bilaaban doono waxii dambeeyo bisha December ee 2024.

“Wadahal ku aadan howlgalka cusub ayaa waxaa noo socda anaga, Midowga Afrika,  Qaramada Midoobay iyo hay’adahii kaalmeyn lahaa, waxay doodi ka taagneyd oo sidii u taagan tahay dowladda Ethiopia oo hadday ka laaban heshiis beenaadkii badda Soomaaliya kamid noqon doonin howlgalkaas oo ay dowlado kale booskaas buuxin doonaan” ayuu intaasi ku daray Wasiirka.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale soo hadal-qaaday shaqan galka heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo sheegay in shalay magaalada Istanbul ay kasoo dhaqaaqeen qeyb kamid ah ciidanka Badda Turkiga oo galbinaya markabka baarista shidaalkaa Soomaaliya.

“Waxaa farxad innoo ah in heshiiskii fulintiisa ay dhaqan-galeyso badda Soomaaliyeedna guud ahaan amnigeedii kaalintooda ka geysan doonaan, dadka Soomaaliyeed howshii Madaxweyne Xasan Sheekh u ballan qaaday ee maalmihii wacnaa way soo socdaan qeybta ugu muhiimsan bilaaban doonto hadduu Alle idmo” ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u diyaarsan la howgalka qorshaha cusub waxii ka dambeeyo December 2024 kadib marka uu dhamaado howgalka ATMIS ee Soomaaliya hadda ay ka harsan tahay wax yar, iyagoo dhanka kale hadda wado howlgalkii lagu soo afmeeri lahaa Khawaarijta arxanka daran.

Previous Post

Booliska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay kooxo ka shaqeynayey falal amni darro

Next Post

Israel oo duqeymo culus ka geysatay Beirut iyo masaajid ku yaalla Gaza

Next Post
Israel oo duqeymo culus ka geysatay Beirut iyo masaajid ku yaalla Gaza

Israel oo duqeymo culus ka geysatay Beirut iyo masaajid ku yaalla Gaza

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In