Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca: Guud ahaan ATMIS in kabadan 27 goobood ayaa lagala wareegay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca: Guud ahaan ATMIS in kabadan 27 goobood ayaa lagala wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka faah-faahiyay qorshaha howlgalka gaba-gabada ah ee ATMIS.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay kala wareegeen howlgalka ATMIS in kabadan 27 xarumo oo guud ah dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

August 31, 2026
Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

August 31, 2026

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wajigii 3-aad wuu dhameeyay, guud ahaan ATMIS in kabadan 27 goobood ayaa lagala wareegay, in intaas lamid ah ilaa 2024 waa la dhameystirayaa oo ay 3 bilood uun ka dhimantahay, kaas oo howgalka ku egyahay dhamaadka sanadkan

Wasiirka ayaa dhanka kale ka hadlay howlgalka cusub ee AUSOM, kaas oo bilaaban doono waxii ka dambeeyo sanadkan, isagoo sheegay inay socdaan arrimo farsamo ee lagu dhameystirayo howlgalka cusub ee bilaaban doono waxii dambeeyo bisha December ee 2024.

“Wadahal ku aadan howlgalka cusub ayaa waxaa noo socda anaga, Midowga Afrika,  Qaramada Midoobay iyo hay’adahii kaalmeyn lahaa, waxay doodi ka taagneyd oo sidii u taagan tahay dowladda Ethiopia oo hadday ka laaban heshiis beenaadkii badda Soomaaliya kamid noqon doonin howlgalkaas oo ay dowlado kale booskaas buuxin doonaan” ayuu intaasi ku daray Wasiirka.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale soo hadal-qaaday shaqan galka heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo sheegay in shalay magaalada Istanbul ay kasoo dhaqaaqeen qeyb kamid ah ciidanka Badda Turkiga oo galbinaya markabka baarista shidaalkaa Soomaaliya.

“Waxaa farxad innoo ah in heshiiskii fulintiisa ay dhaqan-galeyso badda Soomaaliyeedna guud ahaan amnigeedii kaalintooda ka geysan doonaan, dadka Soomaaliyeed howshii Madaxweyne Xasan Sheekh u ballan qaaday ee maalmihii wacnaa way soo socdaan qeybta ugu muhiimsan bilaaban doonto hadduu Alle idmo” ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u diyaarsan la howgalka qorshaha cusub waxii ka dambeeyo December 2024 kadib marka uu dhamaado howgalka ATMIS ee Soomaaliya hadda ay ka harsan tahay wax yar, iyagoo dhanka kale hadda wado howlgalkii lagu soo afmeeri lahaa Khawaarijta arxanka daran.

Previous Post

Booliska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay kooxo ka shaqeynayey falal amni darro

Next Post

Israel oo duqeymo culus ka geysatay Beirut iyo masaajid ku yaalla Gaza

Next Post
Israel oo duqeymo culus ka geysatay Beirut iyo masaajid ku yaalla Gaza

Israel oo duqeymo culus ka geysatay Beirut iyo masaajid ku yaalla Gaza

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

August 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Difaaca Mudane Sheekh...

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

August 31, 2026
0

Muqdisho, 31 Agoosto 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka...

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan looga hadlayo arrimaha bani’aadantinimada

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan looga hadlayo arrimaha bani’aadantinimada

August 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daahfuray kulan ku saabsan diyaar-garowga iyo wax ka...

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

August 31, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xirsi Jaamac Gaani oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In