Munaasabaddani lagu qabtay dugsiga Turk-Som ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka.Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo saraakiil kale oo ka tirsan xoogga dalka iyo Turkiga.
Munaasabadda ayaa ururka 5aad Gor-gor kumaandooska xoogga waxay ku soo bandhigeen dhoolatus soo jiitay ka qaybgalayaasha munaasabadda iyo gaada kacayaar waxaana lagu dhaariyay goobtaasi.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in askarta ururka 5aad in laga kala keenay inta badan gobola dalka, wuxuuna intaasi ku daray inay farxad galineeyso qaabka ay tababarka u qaadanayaan.
Wasiirka Difaaca Xukumada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed oo munaasabadda kahadlay ayaa sheegay in ciidankan tababarka ku qaadanaya dugsiga Turk-Som dadaal badan lagu bixiyay islamarkaasna laga doonayo in dalka ay ka difaacan cadawga.
Wasiirka Gaashaandhiga Xasan Cali Maxamed ayaa tilmaamay in ciidankan ay kusoo aadeen waqti aad u qiima badan dib u dhisna uu ku socda Ciidanka Xoogga Dalka.
Askartani maanta ladhaariyay ee ka tirsan kumaandooska xoogga dalka ee Gor-gor ayaa ku dhawaad muddo sanad ah tababar ku qaadan doona dugsiga Turk-Som, markii ay dhameeystaan kadib waxay tababar kale oo intaasi kaasi dheer ay ku soo qaadan doonaan dalka Turkiga.