Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo Kenya ka dalbatay inay joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu yeeraysaa Dowladda Kenya in ay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo muddo badan ka dhur-sugaysay in hoggaanka dalka Kenya ay garowsadaan muhiimadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasad ee ka dhexeeya labada shacab iyo labada dowladood, ayaa waxaa ka go’an in ay qaaddo tallaabo kasta oo diblumaasiyadeed oo ay ku gudaneyso waajibaadkeeda dastuuriga ah ee la xiriira ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadineysaa hiilka dalalka Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika ee sida walaaltinimada leh ugu soo gurmaday shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, iyagoona u soo diray ciidamo ka qeyb qaata in dalka laga xoreeyo argagixisada, balse waxa ay adkaynaysaa in aysan marnaba aqbalayn in dalalka qeybta ka ah howl-galka Ciidanka Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay u adeegsadaan xubinnimadooda dano u gaar ah, fara-gelinta arrimaha gudaha iyo hab ka baxsan awoodda sharciyeed ee ay ku joogaan  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xusuusinaysa dhiggeeda dalka Kenya daris wanaagga iyo ilaalinta xasilloonida gobolka, inkastoo hab-dhaqanka cusub ee Dowladda Kenya uu kasoo horjeedo qarannimada Soomaaliya, curfiga caalamiga, mabaadi’da Ururka Midoowga Afrika, heshiisyada labo geesoodka iyo nabadgalyada guud ee Gobolka.

Previous Post

Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Hindise Sharciyeedka Hey’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda iyo Xeerka Lahaanshiyaha Xuquuqda Daabacaadda

Next Post

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Oo ka qaybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Kumaandooska Xoogga ee Gor-gor “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Oo ka qaybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Kumaandooska Xoogga ee Gor-gor “SAWIRRO”

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Oo ka qaybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Kumaandooska Xoogga ee Gor-gor “SAWIRRO”

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In