Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta aaladda fogaan aragga uga qeyb galay Shirka 1037 ee Golaha Amniga ee Midowga Afrika. Wasiirka ayaana warbixin ka siiyey Golaha xaaladda Nabadgelyada iyo siyaasadda Soomaaliya,
Sidoo kale, Wasiirka ayaa warbixin ka siiyey Golaha kulamo Muqdisho uga socda khubaro ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika, kaas oo qabsoomay bishii Agoosto 2021, laguna diyaarinayay warbixin ku saabsan qaabka uu noqon doono howl-galka ciidamada AMISOM ee sanadka 2022.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa xoogga saaray ahmiyadda ay leedahay in ciidanka Xoogga Dalka ay qaataan mas’uuliyadda Amniga Dalka iyaga oo garabsanaya AMISOM.