Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca oo la kulmay saraakiil ka tirsan Midowga Yurub-Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca oo la kulmay saraakiil ka tirsan Midowga Yurub-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka dhex maray Wasiir difaaca xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) iyo saraakiisha howlgalka midowga Yurub ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay dardargelinta howlaha tabbarada ee Midowga Yurub ee siiyo ciidanka xoogga dalka.

Saraakiishan ka tirsan Midowga Yurub gaar ahaan qeybta tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee loo yaqaaano EUTMS EUROPEAN UNION TRAINING MISSION OF SOMALIA, ayaa wasiirka gaashaandhiga dalka u sharxey halka uu marayo howlaha tabbabarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo guulaha arrintaas  laga gaaray.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Mudane, Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, ayaa  midowga Yurub ugu mahadceliyay taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya gaar ahaan tayaynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa, ka codsaday Howlgalka Midowga Yurub ee tabbarada ciidanka Soomaaliya in ay labo laabaan howlaha dib  loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale la wadaagay qorshaha cusub ee uu doonayo in lagu hago dhabbaha loo marayo tayeynta ciidanka xoogga dalka, maadaama uu dhowaan xilkaas uu qabtay.

Saraakiisha howlgalka Midowga Yurub ee tabbarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya  ayaa dhankooda wasiirka difaaca ugu mahad naqay wada shaqeynta cusub ee u balan qaaday, ayagoo tilmaamay in ay sii wadayaan taageerada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, wasiirka gaashandhigga Soomaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) ayaa kormeerey waaxiyaha wasaaradda isagoo la kulmay shaqaalaha ka howlgala wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shaqaalaha ku booriyay shaqada qaranka u hayaan, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo waqtiga shaqada la soo galay iyo marka laga baxayo.

Kormeerka ayaa waxaa wasiirka ku wehliyay agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga, agaasimaha maamulka iyo maaliyadda iyo howl wadeeno kale oo ka tirsan wasaaradda.

Previous Post

Guddiga sare ee Maamula Booliska Caalamka oo Ciidanka Booliska Soomaaliya u aqoonsaday kuwa ugu wanaagsan Qaaradda Afrika “Sawirro”

Next Post

Madaxwayne Farmaajo oo Jabuti ugu hambalyeeyey maalinta xoriyadda

Next Post
Daawo Muuqaalka Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qadar.

Madaxwayne Farmaajo oo Jabuti ugu hambalyeeyey maalinta xoriyadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In