Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca oo Maanta booqday Ciidanka dowladda ee ku sugan Guriceel “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca oo Maanta booqday Ciidanka dowladda ee ku sugan Guriceel “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guriceel, March 4, 2015….. Wasiirka Difaaca Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahaan socdaal howlleed ku joogay deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa saaka booqasho ku tagey Dugsiga tababarrada Harqaboobe ee qeybta 21-aad ee Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed, isagoo kulamo la qaatay saraakiisha Xoogga dalka, isla markaana dar-daaran u jeediyay ciidamaddii halkaasi ku sugnaa.

Wasiirka ayaa ugu horeyn kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada ee qeybta 21-aad, isagoo kala hadlay sidii loo dhamayn lahaa dagaalladii dhawaan ka dhacay deegaanka, isla markaana shacabkii magaalada ka qaxay dib loogu soo celin lahaa, waxana ay balan qaadeen in ay ka go’an tahay dhinacooda in xal loo helo dhibaatada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed General, Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo goobta ka hadlay ayaa xusay mar walba in ay u taagan yihiin soo celinta sharafta iyo haybadda qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaar u yihiin dhinacooda wax walba oo xal loogu heli karo dhibaatooyinka deegaanka ka taagan.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa yiri “Waa inaad illaalisaan Nafta Sharafka, iyo Hantida ummadda, kana difaacdaan dalka caddowga, uuna ugu horeeyo caddowga al shabaab, oo aad muujisaan isku duubni iyo wadaninimo”.

“Ciidanka Soomaaliyeed gobol kasta oo uu joogo waa isku hal hadaf, waana inay dalka ka xoreeyaan caddowga, ayna difaacaan Qaranimada iyo xaduududaha dalka Soomaaliya, waxaana la idinka doonayaa in aydaan ka leexan hadafkaas” ayuu yiri ugu dambeyntiina Wasiirka Difaaca.

—–DHAMMAAD—-
IMG_7536

IMG_7551

IMG_7554

IMG_7559

IMG_7567

IMG_7570

IMG_7582

IMG_7595

IMG_7605

IMG_7634

IMG_7647

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland Iyo Jubba Oo Kismaayo Kaga Wada hadlay Xiriirka Labada Maamul

Next Post
Madaxweynayaasha Maamulada Puntland Iyo Jubba Oo Kismaayo Kaga Wada hadlay Xiriirka Labada Maamul

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland Iyo Jubba Oo Kismaayo Kaga Wada hadlay Xiriirka Labada Maamul

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In