Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca XFS oo faafaahin ka bixiyay safar shaqo oo uu Dalka dibadiisa ugu maqnaa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca XFS oo faafaahin ka bixiyay safar shaqo oo uu Dalka dibadiisa ugu maqnaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaaa ka qeyb-galay shir caalami ah oo ay ka qey-galayeen Wasiirada Difaaca Dalalka Africa iyo India, kaasi oo diiradda lagu saaray iskaashiga  difaaca dalalka Africa iyo India.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Difaaca dalka India Ragnath Singh, waxaana Dowladda India ay balan-qaaday in Soomaaliya ay ka taageeri doonto dhinacyo kala duwan oo dhanka ciidanka u badan.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kulan gaar ah magaalada Addis ababa  kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Qoyska, Dhallaanka iyo Horumarinta  Bulshadda ee Dalka Canada  Axmed  Xuseen waxayna ka wada hadleen iskaashiga Dowladaha  Soomaaliya iyo Canada.

Wasiir Axmed ayaa sheegay in Dowladda Canada ay bixin-doonto 8.1 Milyan oo qeyb ka noqon doonta deymaha laga cafiyay Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in dib ay  u bilaaban doonaan socdaalkii Dalalka Soomaaliya iyo Canada.

Wasiir difaaca ee dalka Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa uga mahadceliyay Dowladda Canada garab istaagga ay Soomaaliya u muujisay .

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Soomaalya ayaa la kulmay dhigiisa dalka Itoobiya  oo ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab iyo sidii loo dar dargelin lahaa howlgallada dalka looga xoreynayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sodon sano kaddib Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa ka muuqaneysa kulamada ay yeelanayaan heerka Wasiir ee Dalalka Caalamka

Previous Post

Doomo Kalluumeysi oo loogu deegay Kalluumeysatada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle “SAWIRRO”

Next Post

UNESCO:”Raadiyaha weli waa midka ugu awooda badan Warbahinta”

Next Post
UNESCO:”Raadiyaha weli waa midka ugu awooda badan Warbahinta”

UNESCO:"Raadiyaha weli waa midka ugu awooda badan Warbahinta"

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In