Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca XFS oo faafaahin ka bixiyay safar shaqo oo uu Dalka dibadiisa ugu maqnaa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca XFS oo faafaahin ka bixiyay safar shaqo oo uu Dalka dibadiisa ugu maqnaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaaa ka qeyb-galay shir caalami ah oo ay ka qey-galayeen Wasiirada Difaaca Dalalka Africa iyo India, kaasi oo diiradda lagu saaray iskaashiga  difaaca dalalka Africa iyo India.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Difaaca dalka India Ragnath Singh, waxaana Dowladda India ay balan-qaaday in Soomaaliya ay ka taageeri doonto dhinacyo kala duwan oo dhanka ciidanka u badan.

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kulan gaar ah magaalada Addis ababa  kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Qoyska, Dhallaanka iyo Horumarinta  Bulshadda ee Dalka Canada  Axmed  Xuseen waxayna ka wada hadleen iskaashiga Dowladaha  Soomaaliya iyo Canada.

Wasiir Axmed ayaa sheegay in Dowladda Canada ay bixin-doonto 8.1 Milyan oo qeyb ka noqon doonta deymaha laga cafiyay Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in dib ay  u bilaaban doonaan socdaalkii Dalalka Soomaaliya iyo Canada.

Wasiir difaaca ee dalka Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa uga mahadceliyay Dowladda Canada garab istaagga ay Soomaaliya u muujisay .

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Soomaalya ayaa la kulmay dhigiisa dalka Itoobiya  oo ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab iyo sidii loo dar dargelin lahaa howlgallada dalka looga xoreynayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sodon sano kaddib Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa ka muuqaneysa kulamada ay yeelanayaan heerka Wasiir ee Dalalka Caalamka

 

Previous Post

Doomo Kalluumeysi oo loogu deegay Kalluumeysatada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle “SAWIRRO”

Next Post

UNESCO:”Raadiyaha weli waa midka ugu awooda badan Warbahinta”

Next Post
UNESCO:”Raadiyaha weli waa midka ugu awooda badan Warbahinta”

UNESCO:"Raadiyaha weli waa midka ugu awooda badan Warbahinta"

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In