Wednesday, July 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Duulista Hawada Galmudug oo kormeeray garoonka Diyaaradaha Samareeb “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 2, 2021
in Wararka
0
Wasiirka Duulista Hawada Galmudug oo kormeeray garoonka Diyaaradaha Samareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Galmudug Mudane Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud (Dhiblaawe) iyo
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee Galmudug Mudane Cabdinaasir Geelle Cilmi ayaa maanta kormeeray dayactirka waddada diyaaraduhu ku ordaan ee Garoonka Ugaas Nuur.

Howsha dib u hagaajinta rainway-ga Garoonka Diyaaradaha Samareeb oo ay gacanta ku heyso Wasaaradda duulista hawada Galmudug ayaa dib loogu dayac tirayaa jidka dheer ee diyaaraduhu adeegsadaan oo sanadihii u dambeeyay aan helin dib u dayactir dhameystiran,  waxaana howshan ay qayb ka tahay dadaallada Dowlad Goboladka Galmudug ku dooneyso in lagu horumariyo garoomada, gaar ahaan garoonka diyaaradaha Caasimadda oo kaalin weyn kaga jira koboca dhaqaalaha Galmudug.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Injineerada gacanta ku haya Maamulka shaqada ayaa Wasiirada warbixin ka siiiyay tayada agabka ay adeegsanayaan, nuuca shaqada la doonayo in garoonka laga qabto iyo sida aan looga maarmin in lasii kordhiyo shaqadan, lana gaarsiiyo in dhabaha Garoonka Samareeb loo badalo mid laami ah si ay uga dagaan Diyaaradaha Caalamiga ah.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Galmudug: Mudane Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud ayaa dhageysiga Talada iyo warbixinta injineerada kadib ku amaaney howl wadeennada dadaalka iyo Mas’uuliyadda ay u istaageen, isagoo balan qaadey in Wasaaraddu bilaabi doonto dhowaan dhismaha taawarka laga hago Diyaaradaha oo howshasi ay barbar socon doonto fulinta Mashruuca Dhismaha Garoonka oo ay hore u wada dhagax dhigeen Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Previous Post

Puntland oo aqbashay ka qeyb galka Shirka Wadatashiga arrimaha Doorashooyinka

Next Post

Sacuudiga oo sheegay in xiriir lala yeesho Israel uu faa’ido u yahay Bariga Dhexe

Next Post
Sacuudiga oo sheegay in xiriir lala yeesho Israel uu faa’ido u yahay Bariga Dhexe

Sacuudiga oo sheegay in xiriir lala yeesho Israel uu faa'ido u yahay Bariga Dhexe

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In