Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaadiidka badda Soomaaliya oo ka qeyb galay bandhig faneed lagu qabtay Ankara “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaadiidka badda Soomaaliya oo ka qeyb galay bandhig faneed lagu qabtay Ankara “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Nuur Faarax Xersi ayaa ka qeybgaley bandhig faneed ka dhacay Magaalada Ankara ee Wadanka Turkiga, kaasi oo ay soo qababqabisey Hay’ad wadani ah oo laga leeyahay wadankaasi

Kusimaha Safiirka ahna qusulka Safaarada Soomaaliya Mudane Xuseen ayaa sheegey in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid soo jireen ah oo qoto dheer.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Sheekh Cabdicasiis oo ah u qaabilsanaha Safaaradda Soomaaliya ee dhaqanka iyo wax barashada ayaa waxa uu la dar dardaarmey Ardeyda Soomaaliyeed ee wax barashada ka heshey wadankan Turkiga.

Wasiirka ayaa hadalo kooban ka jeediyey xafladii bandhig faneedka oo ay fadhiyeen Madax ka tirsan dowladda Turkiga iyo marti sharaf halkaasi lagu casuumey.

“Shacabka Dalka Turkiga iyo Hogaamiyahooda Recep Tayyip Erdoğan baal dahab ah ayey uqu qoranyihiin Ummadda Soomaaliyeed, maalin ay Ummadda Soomaaliyeed ku adagtahay ay is bar bartaageen, taasi waa taariikh aan la ilaawi karin” ayuu yiri wasiirka oo hadalkiisa sii raaciyay “Ummadda Soomaaliyeed wey kala baratey cidda garab taagan iyo cidda hagar daamineysa”

Wasiirka ayaa markii uu soo idlaadey bandhig faniidka kulan kooban laqaatey qaar ka mid ah Ardeyda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Turkiga, isagoo kula dar daarmey in laga faa ideysto fursadan qaaliga ah la siiyey Soomaalida.

Wasiirka ayaa waxaa ku wehelinayey kulanka bandhig faneedka Qusulka Safaarada Soomaaliya ee Wadanka Turkey ahna ku-simaha Safiirka Mudane Xuseen Maxamed iyo Saraakiil kale ee kasocotey Safaaradda.

Bandhig faneedka ayaa waxaa ka soo qeyb galey Wadamo farabadan oo ay ugu horeeyaan Wadamada Soomaaliya, Djibouti, Kenya Ethiopia, Uganda, Sudan, Kazakhstani, Pakistan, Chad, Yemen, iyo kuwo kale oo fara badan, kuwaasi oo mid walba uu halkaasi ku soo bandhigey Hidaha iyo dhaqanka ay leeyihiin.

Dadkii isugu yimid bandhig faneedka ayaa waxay aad uga heleen Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, ayadoo Ardeyda iyo Jaaliyadda Somaaliyeed ay halkaasi ku soo bandhigeen alaabo fara badan oo ka turjumaya Hidaha iyo dhanka Soomaaliyeed, ayadoo aaney ka marneyn cuntada Soomaalida oo markii lasoo bandhigey aad loo jecleystey.

DSCF3210 DSCF3213 DSCF3215 DSCF3216 DSCF3218 DSCF3245 DSCF3284 DSCF3285 DSCF3408 DSCF3414 DSCF3416 DSCF3426 DSCF3432 DSCF3440 DSCF3447 DSCF3571 DSCF3572 DSCF3574 DSCF3575 DSCF3576 DSCF3601 DSCF3602 DSCF3882 DSCF3883 DSCF3890

Ali Moalim Isak

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Ifraax Axmed oo ku guuleysatay billadda xuquuqda haweenka Africa ee sanadka “Dhageyso”

Next Post
Ifraax Axmed oo ku guuleysatay billadda xuquuqda haweenka Africa ee sanadka “Dhageyso”

Ifraax Axmed oo ku guuleysatay billadda xuquuqda haweenka Africa ee sanadka “Dhageyso”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In