Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaadiidka badda Soomaaliya oo ka qeyb galay bandhig faneed lagu qabtay Ankara “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaadiidka badda Soomaaliya oo ka qeyb galay bandhig faneed lagu qabtay Ankara “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Nuur Faarax Xersi ayaa ka qeybgaley bandhig faneed ka dhacay Magaalada Ankara ee Wadanka Turkiga, kaasi oo ay soo qababqabisey Hay’ad wadani ah oo laga leeyahay wadankaasi

Kusimaha Safiirka ahna qusulka Safaarada Soomaaliya Mudane Xuseen ayaa sheegey in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid soo jireen ah oo qoto dheer.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Sheekh Cabdicasiis oo ah u qaabilsanaha Safaaradda Soomaaliya ee dhaqanka iyo wax barashada ayaa waxa uu la dar dardaarmey Ardeyda Soomaaliyeed ee wax barashada ka heshey wadankan Turkiga.

Wasiirka ayaa hadalo kooban ka jeediyey xafladii bandhig faneedka oo ay fadhiyeen Madax ka tirsan dowladda Turkiga iyo marti sharaf halkaasi lagu casuumey.

“Shacabka Dalka Turkiga iyo Hogaamiyahooda Recep Tayyip Erdoğan baal dahab ah ayey uqu qoranyihiin Ummadda Soomaaliyeed, maalin ay Ummadda Soomaaliyeed ku adagtahay ay is bar bartaageen, taasi waa taariikh aan la ilaawi karin” ayuu yiri wasiirka oo hadalkiisa sii raaciyay “Ummadda Soomaaliyeed wey kala baratey cidda garab taagan iyo cidda hagar daamineysa”

Wasiirka ayaa markii uu soo idlaadey bandhig faniidka kulan kooban laqaatey qaar ka mid ah Ardeyda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Turkiga, isagoo kula dar daarmey in laga faa ideysto fursadan qaaliga ah la siiyey Soomaalida.

Wasiirka ayaa waxaa ku wehelinayey kulanka bandhig faneedka Qusulka Safaarada Soomaaliya ee Wadanka Turkey ahna ku-simaha Safiirka Mudane Xuseen Maxamed iyo Saraakiil kale ee kasocotey Safaaradda.

Bandhig faneedka ayaa waxaa ka soo qeyb galey Wadamo farabadan oo ay ugu horeeyaan Wadamada Soomaaliya, Djibouti, Kenya Ethiopia, Uganda, Sudan, Kazakhstani, Pakistan, Chad, Yemen, iyo kuwo kale oo fara badan, kuwaasi oo mid walba uu halkaasi ku soo bandhigey Hidaha iyo dhaqanka ay leeyihiin.

Dadkii isugu yimid bandhig faneedka ayaa waxay aad uga heleen Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, ayadoo Ardeyda iyo Jaaliyadda Somaaliyeed ay halkaasi ku soo bandhigeen alaabo fara badan oo ka turjumaya Hidaha iyo dhanka Soomaaliyeed, ayadoo aaney ka marneyn cuntada Soomaalida oo markii lasoo bandhigey aad loo jecleystey.

DSCF3210 DSCF3213 DSCF3215 DSCF3216 DSCF3218 DSCF3245 DSCF3284 DSCF3285 DSCF3408 DSCF3414 DSCF3416 DSCF3426 DSCF3432 DSCF3440 DSCF3447 DSCF3571 DSCF3572 DSCF3574 DSCF3575 DSCF3576 DSCF3601 DSCF3602 DSCF3882 DSCF3883 DSCF3890

Ali Moalim Isak

Previous Post

Dhageyso Warka Subaxnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Ifraax Axmed oo ku guuleysatay billadda xuquuqda haweenka Africa ee sanadka “Dhageyso”

Next Post
Ifraax Axmed oo ku guuleysatay billadda xuquuqda haweenka Africa ee sanadka “Dhageyso”

Ifraax Axmed oo ku guuleysatay billadda xuquuqda haweenka Africa ee sanadka “Dhageyso”

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In