Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada oo tababbar u soo xiray shaqaalaha hay’adda Duulista “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada oo tababbar u soo xiray shaqaalaha hay’adda Duulista “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa maanta tababbar u soo xiray qaar ka mid ah shaqaalaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada, kaasi oo ujeedku ahaa sare u qaadidda aqoonta shaqalaaha hay’adda, si shaqooyinka garoomada diyaradaha dalka ay ula jaan qaadaan dhigooda wadamada caalamka ah.

 

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026

Axmed Macalin Xasan Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Soomaaliya ayaa sheegay in qorshuhu yahay in sidii kor loogu  qaadi lahaa aqoonta shaqaalaha.

“Waxaan ugu talagalnay tababaradaan in sare ugu qaadno aqoonta shaqaalaha taasi wadada Dowladdu ugu qorsheysay in Maamulka hawada Dalka uu u noqdo mid la jaan qaada hay’adaha kale e dunida” Axmed Macalin Xasan.

Wasiir Oomaar ayaa ku dhiirigaliyay shaqaalaha ka faa’iideystay tababarkaan in waxii ay barteen ugu adeegaan bulshadooda.

“Hay’adda ku xeeldheer ayaa la idin keenay kaasi oo ka turjumaya doorka Wasaaraddu ay ku dooneyso in kor loo qaado xirfadda Shaqaalaha, intaas kaddib waxaa la idin ka rabaa wixii aad barateen in sidii loogu talagalay aad ugu shaqeysaan dalka” Wasiir Oomaar

Wasiirka waxa uu xusay in aysan sahlanayn shaqaada ay hayaan shaqaalaha hay’adda duulista, maadaama ay matalayaan maqaamka amniga garoonka dalka.

“Shaqada aad Ummadda u heysaan yeysan idinla sahlanaanin, maxaa yeeley waxaad ka turjumeysaan Maqaamka Amniga Garoonka ee dalka, hal qalad hadii aad gashaan idinkoo qibrad leh, waxa uu wax u dhimayaa shaqada ka socoto garoonka. taxadir ayaa la idinka rabaa” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Gaba gabadii waxaa shahaadooyin la Guddoonsiiyay shaqaalihii tababarka qaatay, waxaynu Wasaaraddu sheegtay in tababaro kale oo dheeraad ah la siin doono, loona baahanyahay in sidii loogu talagalay ay u gutaan waajibaadyabada loo igmaday.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Next Post

Qeybo ka mid ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo Dayactir lagu bilaabay “SAWIRRO”

Next Post
Qeybo ka mid ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo Dayactir lagu bilaabay “SAWIRRO”

Qeybo ka mid ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo Dayactir lagu bilaabay “SAWIRRO”

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In