Wednesday, September 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada oo tababbar u soo xiray shaqaalaha hay’adda Duulista “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada oo tababbar u soo xiray shaqaalaha hay’adda Duulista “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa maanta tababbar u soo xiray qaar ka mid ah shaqaalaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada, kaasi oo ujeedku ahaa sare u qaadidda aqoonta shaqalaaha hay’adda, si shaqooyinka garoomada diyaradaha dalka ay ula jaan qaadaan dhigooda wadamada caalamka ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026

Axmed Macalin Xasan Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Soomaaliya ayaa sheegay in qorshuhu yahay in sidii kor loogu  qaadi lahaa aqoonta shaqaalaha.

“Waxaan ugu talagalnay tababaradaan in sare ugu qaadno aqoonta shaqaalaha taasi wadada Dowladdu ugu qorsheysay in Maamulka hawada Dalka uu u noqdo mid la jaan qaada hay’adaha kale e dunida” Axmed Macalin Xasan.

Wasiir Oomaar ayaa ku dhiirigaliyay shaqaalaha ka faa’iideystay tababarkaan in waxii ay barteen ugu adeegaan bulshadooda.

“Hay’adda ku xeeldheer ayaa la idin keenay kaasi oo ka turjumaya doorka Wasaaraddu ay ku dooneyso in kor loo qaado xirfadda Shaqaalaha, intaas kaddib waxaa la idin ka rabaa wixii aad barateen in sidii loogu talagalay aad ugu shaqeysaan dalka” Wasiir Oomaar

Wasiirka waxa uu xusay in aysan sahlanayn shaqaada ay hayaan shaqaalaha hay’adda duulista, maadaama ay matalayaan maqaamka amniga garoonka dalka.

“Shaqada aad Ummadda u heysaan yeysan idinla sahlanaanin, maxaa yeeley waxaad ka turjumeysaan Maqaamka Amniga Garoonka ee dalka, hal qalad hadii aad gashaan idinkoo qibrad leh, waxa uu wax u dhimayaa shaqada ka socoto garoonka. taxadir ayaa la idinka rabaa” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Gaba gabadii waxaa shahaadooyin la Guddoonsiiyay shaqaalihii tababarka qaatay, waxaynu Wasaaraddu sheegtay in tababaro kale oo dheeraad ah la siin doono, loona baahanyahay in sidii loogu talagalay ay u gutaan waajibaadyabada loo igmaday.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Next Post

Qeybo ka mid ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo Dayactir lagu bilaabay “SAWIRRO”

Next Post
Qeybo ka mid ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo Dayactir lagu bilaabay “SAWIRRO”

Qeybo ka mid ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo Dayactir lagu bilaabay “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026
0

Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

September 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaaan Wasiirada Gargaarka iyo Haweenka Koonfur Galbeed, ayaa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In