Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka gaashaandhiga oo la kulmay gudiga isku dhafka ciidanka{SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka gaashaandhiga oo la kulmay gudiga isku dhafka ciidanka{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, May 13, 2015…Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa kulan dar-daaran iyo dhiirgelin isugu jira la qaatay guddiga isku dhafka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay dhawaan  magacowday Wasaaradda Gaashaandhigga, isla markaana isugu jira aqoon-yahano iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha ciidamada muddo dheerna kasoo shaqaynayay, kana kooban qeybaha kala duwan ee Soomaalida. Wasiirka ayaa sidoo kale, waxaa kulanka ku weheliyey Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xaggaa iyo masuul ka socday IGAD.

Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa u sheegay xubnaha guddiga isku dhafka ciidamadda in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladduba ay ka sugayaan ciidan isku dheeli tiran oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, iyadoo xubin walba oo kamid ah guddigan ay masuuliyad ka saaran tahay xaqiijinta iyo gaarista howlaha muhiimka ah ee loo xil saaray.

Related posts

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka.

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka.

January 22, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

January 22, 2026

“Sidii aan horey ugu balanay, waajibaad qaran ayaa idin saaran, xubnaha guddiga waa kuwa aan ku kalsoonahay in ay si huffan u gudan doonaan shaqada loo xil saaray, sidii uu shalay idiin sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda howsha la idinka sugayo waa in aad dalka u horseedaan dhismaha ciidan qaran oo mideysan” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini.

Ugu danbeyn, waxaa goobta ka hadlay Wasiir-u dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa, oo guddiga isku dhafka madax u ah, wuxuna sheegay in mideynta ciidamada ay tahay mid door muuqato ka qaadaneyso dhismaha ciidamada iyo inay noqdaan ciidan awood ballaaran leh.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa wada dadaallo lagu doonayo in la isugu dhafo Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliya, si loo helo ciidan leh tayo sare oo matalaya Soomaaliya oo dhan, iyadoo dhawaan ay xubnaha guddigan ee  ka kooban 15ka xubnood ay booqan doonaan maamullada ka jira Soomaaliya.

IMG_2691 (1) IMG_2694 IMG_2695 IMG_2700 IMG_2703 IMG_2713 IMG_2715 IMG_2722 (1) IMG_2732

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Kulan looga hadlayay dhibaatada tahriibka oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post
Kulan looga hadlayay dhibaatada tahriibka oo Muqdisho lagu qabtay

Kulan looga hadlayay dhibaatada tahriibka oo Muqdisho lagu qabtay

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka.

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka.

January 22, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 22 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga...

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

January 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar,...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In