Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS oo faah-faahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS oo faah-faahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyey howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xubno badan argagixisada looga dilay howlgallo culus oo ka dhacay gobollada Shabeellada dhexe, Galgaduud iyo Jubbooyinka.

“Jowhar iyo Muqdisho waddada isku-xirta waxaa ka socda howlgallo nadiifin ah oo ka dhan ah Khawaarijta si shacabka isticmaala loogu dhibin halkaas, muddo labo maalin ah ayuuna howlgalkaasi socdaa, sidoo kale Galgaduud waxaa ka socda dagaal lagula jiro Khawaarijta, kaas oo looga nadiifinaya dhulka howdka ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan ” ayuu yiri wasiirku.

Howlgallada ka socda Galgaduud ayuu Wasiirka sheegay in ay isugu jiraan kuwa toos ah iyo kuwa dhanka cirka ah, kuwaas oo lagu khaarajiyay in kabadan 100 malleeshiyaad ah, tiro intaas ka badanna waa lagu dhaawacay, isagoo tilmaamay in dagaalka sii socon doono illaa Khawaarijta laga saaro halka.

Howlgalka socday waxaa sidoo kale lagu burburiyay gaari nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi kaas oo cadowgu ay ku diyaariyeen qaraxyo ay u qorsheeyeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka, laakiin Ciidamada Qaranka ayaa ku guulaystey in ay cadowga ku halaagaan dhagartii ay maleegayeen.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibbada caalamka ayaa labo jibbaartay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, waxaana dowladda ka go’an ciribtirka cadowga ku soo duulay waddankeenna .

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada oo guddoomiyay Shirka Guddiga Qaran ee Gurmadka

Next Post

Booliska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay kooxo ka shaqeynayey falal amni darro

Next Post
Booliska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay kooxo ka shaqeynayey falal amni darro

Booliska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay kooxo ka shaqeynayey falal amni darro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In