Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS oo faah-faahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS oo faah-faahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyey howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

 

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xubno badan argagixisada looga dilay howlgallo culus oo ka dhacay gobollada Shabeellada dhexe, Galgaduud iyo Jubbooyinka.

 

“Jowhar iyo Muqdisho waddada isku-xirta waxaa ka socda howlgallo nadiifin ah oo ka dhan ah Khawaarijta si shacabka isticmaala loogu dhibin halkaas, muddo labo maalin ah ayuuna howlgalkaasi socdaa, sidoo kale Galgaduud waxaa ka socda dagaal lagula jiro Khawaarijta, kaas oo looga nadiifinaya dhulka howdka ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan ” ayuu yiri wasiirku.

 

Howlgallada ka socda Galgaduud ayuu Wasiirka sheegay in ay isugu jiraan kuwa toos ah iyo kuwa dhanka cirka ah, kuwaas oo lagu khaarajiyay in kabadan 100 malleeshiyaad ah, tiro intaas ka badanna waa lagu dhaawacay, isagoo tilmaamay in dagaalka sii socon doono illaa Khawaarijta laga saaro halka.

 

Howlgalka socday waxaa sidoo kale lagu burburiyay gaari nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi kaas oo cadowgu ay ku diyaariyeen qaraxyo ay u qorsheeyeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka, laakiin Ciidamada Qaranka ayaa ku guulaystey in ay cadowga ku halaagaan dhagartii ay maleegayeen.

 

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibbada caalamka ayaa labo jibbaartay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, waxaana dowladda ka go’an ciribtirka cadowga ku soo duulay waddankeenna .

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada oo guddoomiyay Shirka Guddiga Qaran ee Gurmadka

Next Post

Booliska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay kooxo ka shaqeynayey falal amni darro

Next Post
Booliska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay kooxo ka shaqeynayey falal amni darro

Booliska gobolka Banaadir oo gacanta kusoo dhigay kooxo ka shaqeynayey falal amni darro

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In