Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray degmada Caabudwaaq “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray degmada Caabudwaaq “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta gaaray Degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, waxana wafdiga kamid ah Wasiir ku xigeenka Dastuurka Mudane C/laahi Yuusuf Allenkey, La-taliyaha dhinaca Siyaasadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Saahid M. Cali, (Qodhob) Xildhibaanno kasoo jeeda deegaanka, Siyaasiyiin iyo Waxgarad, waxana ujeedka socdaalkooda yahay in wada tashi lala yeesha bulshada dhaqan deegaanka waqooyiga Galgaduud, si ay doorkooda uga qaataan nabad kusoo badaallida dalka iyo raadinta dowladnimada Soomaaliya.

Wasiirka iyo Wafdiga la socda ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Caabudwaaq, masuuliyiinta degmada iyo qeybaha kala duwen ee bulshada. Waxana soo dhaweynta kadib uu kulan la qaatay bulshada ku dhaqan degmada Caabudwaaq.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Guddoomiyaha degmad Caabudwaaq Mudane C/risaaq Xasan Cowll oo ka hadlay kulanka soo-dhawaynta, ayaa  Wasiirka iyo wafdiga la socda  uga mahad-celiyay booqashada uu ku soo gaaray degmada Caabudwaaq.

”Waan ku faraxsanahay mudane  Wasiir adiga iyo Wafdiga aad hoggaaminayso booqashada aad maanta noogu timaadeen, shacabkii degmada ku noolaa dhammaantood waa ku sugayaan. Waxaan filaynaa muddada aad nala joogtaan inaad wax badan ka ogaan doontaan xaaladda degamada Caabudwaaq oo runtii ay ka jiraan baahiyo kala duwan oo u baahan in wax laga qabto” ayuu yiri Guddoomiye degmada Caabudwaaq.

Ugu danbayntii, waxaa Munaasabadda soo xiray  Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo shacabka iyo maamulka degmad Caabudwaq uga mahad-celiyey soo-dhaweynta aan loo kala harin ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna ballan-qaaday in dowladdu ay wax badan ka qaban doonto baahiyaha degmada.

“Waxaan idin kaga mahad celinayaa soo dhaweynta aad noo sameyseen aniga iyo wafiga ila socda, Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba dhiirri-galineysaa shacabkeedu in ay iyagu door ku yeeshaan dhismaha dowladnimada isla markaana ay dowladdu u  fududeyneyso inay sameystaan Maamulo  ku dhisma habraaca Dastuurka Federaalka iyo Shuruucda dalka. Waxaan wadatashi ka yeelan doonaa wax walba oo horumar keeni kara sida dhismaha maamullada, dhismaha Ciidan qaran iyo baahida kala duwan ee deegaanka ka jirta” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaadhigga Soomaaliya ayaa ku sugnaan doona degmada Caabudwaaq maalmaha soo aadan waxayna kulamo kala duwan la yeelan doonaan shacabka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka Waqooyiga Galgaduud, si loo dhageysto aragtida, Siyaasiyiin, Waxgaradka iyo shacabka deegaanka.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed

                                               

 

 

Previous Post

Wasaaradda warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ka dalbatay hay,adaha Amniga in ay ku wargaliyaan wasaaradda talaabo kasta oo laxiriirta Suxufiga iyo Saxaafadda.

Next Post

Wargelin” Soo weydi Su’aal ama ra’yi wasiirka Dastuurka oo berri marti ku ah barnaamijka kulanka Todobaadka

Next Post
Wargelin” Soo weydi Su’aal ama ra’yi wasiirka Dastuurka oo berri marti ku ah barnaamijka kulanka Todobaadka

Wargelin" Soo weydi Su'aal ama ra'yi wasiirka Dastuurka oo berri marti ku ah barnaamijka kulanka Todobaadka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In