Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday Saraakiil ka Tirsan Ciidanka XDS oo Tababar uga Socdo Dalka Masar “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga  oo  booqday Saraakiil ka Tirsan Ciidanka XDS oo Tababar uga Socdo Dalka Masar “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

August 27, 2015…..Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya General, C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo socdaal shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa booqday xarun lagu tababaro Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku taalla magaalada Qaahira. Wasiirka ayaa  booqashada waxaa ku wehelinayey Taliyaha ciidanka badda Admiral Madeey Nuur, Taliyaha ciidanka cirka Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali “Dable Baylood”. Mudane Diini ayaa hadal  dar-daaran ah u jeediyey Ciidanka tababarka dhamaystay oo dhawaan dib ugu soo laabanaya dalka iyo kuwa uu weli u socdo, waxaana uu ku dhiirrigeliyey in aqoonta ay soo barteen ay dalkooda dib ugu celiyaan.

“Tababarka aad dhameysateen waa mid sare, waxaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan waxqabad muuqda, waayo waxaa socda dagaal lagula jiro kooxo nabadda diiddan, idinka ayaana la doonayaa in dalka aad nabad ka dhigtaan”.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

“Saraakiishiina waxaa idin saaran mas’uuliyad aad u culus oo qaran, waxaana la idinka sugayaa inaad soo celisaan sharaftii iyo magacii ciidanka xoogga, waxaad noqoneysaan Jiilka ugu taariikhda wanaagsan haddii aad ka gudbisaan dalka marxaladdaan adag” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo dhinaca kale xusay howlgallo dalka looga sifeynayo haraadiga nabad-diidka in ay socdaan loona baahan yahay in qof walba oo Soomaaliya uu door ka qaato dib u xoreynta dalka.

Wajiyada  Ciidamadda ayaa laga dheehan karay farxad iyo rey reyn, maadama ay fursad u heleen in dalka dibadiisa ay wax ku soo bartaan, iyagoona muujiyey inay kalsooni buuxda ku qaba dawladda iyo shacabkooda.

Ugu danbayntiina, wasiir Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa uga mahadceliyey dawladda Masar tababarka ay siisay saraakiishan ciidan ee ka mid ah kawaadirta ciidanka qaranka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Masar ay weligeed bar-bar la garab taagnayd  dalka Soomaaliya.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Tababar aqoon kororsi ah oo loo xiray shaqaale ka tirsan wasaaradaha dowladda

Next Post
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA

Tababar aqoon kororsi ah oo loo xiray shaqaale ka tirsan wasaaradaha dowladda

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In