Friday, February 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
7 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga oo daahfuray shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ahna Guddoomiyaha sanadlaha ah ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), ayaa maanta si rasmi ah u furay maalinta shanaad ee Shirka 34-aad ee Hayโ€™adaha Sare ee EASF, oo ka socda magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi oo khudbad muhiim ah ka jeediyay furitaanka, ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiyada ka socda dalalka xubnaha ka ah EASF, isagoo uga mahadceliyay doorkooda firfircoon iyo sida ay uga goโ€™an tahay nabadda, xasilloonida, iyo iskaashiga difaaca ee gobolka.

Related posts

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ g๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐  ๐ฌ๐ข ๐ฎ๐ฎ u x๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š

February 27, 2026
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026

โ€œSharaf weyn bay noo tahay in aan martigelinno shirka sanadlaha ah ee EASF, annagoo guddoon u ah sanadkan. Tani waxay muujineysaa sida ay Soomaaliya uga goโ€™an tahay xoojinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka Afrikada Bari,โ€ ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale si gaar ah u dul istaagay caqabadaha amni ee ka jira gobolka โ€” oo ay ka mid yihiin argagixisada, xagjirnimada, isbeddelka cimilada iyo qalalaasaha siyaasadeed โ€” isagoo ku baaqay in dalalka xubnaha ah ay si wadajir ah uga jawaabaan khatarahaas iyagoo mideysan.

Intii uu khudbaddiisa jeedinayay, Wasiirka ayaa caddeeyay kalsoonida uu ku qabo talooyinka kasoo baxay shirarkii hore ee khubarada iyo taliyeyaasha, wuxuuna xusay in shirkan maanta uu fursad yahay lagu ansixinayo qorshayaal muhiim u ah mustaqbalka EASF.

Wasiir Fiqi ayaa u mahadceliyay Xoghaynta EASF iyo waddamada xubnaha ka ah dadaalkooda joogtada ah, isagoo rajo ballaaran ka muujiyay in shirka Muqdisho uu noqon doono mid lagu xoojiyo iskaashiga iyo nabadda guud ee gobolka Afrikada Bari.
Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyay dowladaha xubnaha ka ah AUSSOM oo si hagar laโ€™aan ah u garab istaagay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee lasoo dhaafay. Waxa uu xusay in dadaalladaasi ay horseedeen miro-dhal muuqda oo dhanka nabadeynta ah, taas oo marag u ah in iskaashiga dhab ah uu keeni karo guulo la taaban karo.

Previous Post

Shirka 34-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka Afrikada Bari oo Mogadishu ka socda

Next Post

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Next Post
Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ g๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐  ๐ฌ๐ข ๐ฎ๐ฎ u x๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ g๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐  ๐ฌ๐ข ๐ฎ๐ฎ u x๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

Afur Diblomaasiyadeed: โ€œHorumarka Soomaaliyaโ€.

Afur Diblomaasiyadeed: โ€œHorumarka Soomaaliyaโ€.

February 27, 2026
0

Iyadoo la qaadanayo hal-ku-dhigga โ€œHorumarka Soomaaliyaโ€, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa martigeliyay Afur heer...

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka โ€SAWIRROโ€

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka โ€SAWIRROโ€

February 27, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In