Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u direy Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u direy Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini,  ayaa hambalyo ku aaddan sanad guuradii 72-aad ee ka soo wareegtay as’aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray Taliska guud ee Ciidanka, Hogaamada kala duwan, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenada, Alifleyda iyo Dablayda guud ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada booliska ay yihiin ciidamadii ugu horeeyey ee ay Soomaaliya yeelato iyadoo ay qeyb weyn ka qaateen dhismaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed xiligii la as’aasey.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiir Diini ayaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ku amaanay sida ay u guteen howlaha adag oo ay bulshada u hayaan, isagoo u rajeeyay iney gaaraan horumar dhan kasta ah. Maanta oo ah 20­ka December waxey ku asteysantahay 72­guuradii ka soo wareegtay markii la asaasay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Wasiir Diini oo ka hadlaya qiimaha Maalintan ayaa yiri:

“Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaa hambalyo u dirayaa dhamaan qeybaha kala duwan ee ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo xaasaskooda iyo dhamaan inta nabada jecel ee qiimaha la leh maalinta ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaan ilaah ka rajeynayaa in xuskaan kiisa kale uu Alle nagu gaarsiiyo caafimaad, nabad iyo horumar. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay door muuqda ka qaateen dhismaha qeybaha kale ee ciidanka qalab-sida, waxaan leeyahay mar labaad Hambalyo Hooyada ciidamada qalabka sida”.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay leeyihiin Taariikh dheer  oo qaali ah laga soo bilaabo aas-aaskiisa iyo maanta oon u dabaal dagayno 72 sano, mudadaa dheer waxay mustaysteen sharaf ay wadanka ugu shaqeeyeen” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

1943-kii ayaa la aas aasay ciidamada Booliska Soomaaliya xiligaa oo aysan Soomaaliya qaadan xornimada waxaana ay soo maren marxalado kala duwan.

Previous Post

Daawo Sawirrada: Munaasabadda xuska maalinta ciidanka Booliiska oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha oo gudoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)

Next Post
Madaxweynaha oo gudoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)

Madaxweynaha oo gudoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In