Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u direy Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u direy Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini,  ayaa hambalyo ku aaddan sanad guuradii 72-aad ee ka soo wareegtay as’aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray Taliska guud ee Ciidanka, Hogaamada kala duwan, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenada, Alifleyda iyo Dablayda guud ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada booliska ay yihiin ciidamadii ugu horeeyey ee ay Soomaaliya yeelato iyadoo ay qeyb weyn ka qaateen dhismaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed xiligii la as’aasey.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Wasiir Diini ayaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ku amaanay sida ay u guteen howlaha adag oo ay bulshada u hayaan, isagoo u rajeeyay iney gaaraan horumar dhan kasta ah. Maanta oo ah 20­ka December waxey ku asteysantahay 72­guuradii ka soo wareegtay markii la asaasay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Wasiir Diini oo ka hadlaya qiimaha Maalintan ayaa yiri:

“Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaa hambalyo u dirayaa dhamaan qeybaha kala duwan ee ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo xaasaskooda iyo dhamaan inta nabada jecel ee qiimaha la leh maalinta ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaan ilaah ka rajeynayaa in xuskaan kiisa kale uu Alle nagu gaarsiiyo caafimaad, nabad iyo horumar. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay door muuqda ka qaateen dhismaha qeybaha kale ee ciidanka qalab-sida, waxaan leeyahay mar labaad Hambalyo Hooyada ciidamada qalabka sida”.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay leeyihiin Taariikh dheer  oo qaali ah laga soo bilaabo aas-aaskiisa iyo maanta oon u dabaal dagayno 72 sano, mudadaa dheer waxay mustaysteen sharaf ay wadanka ugu shaqeeyeen” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

1943-kii ayaa la aas aasay ciidamada Booliska Soomaaliya xiligaa oo aysan Soomaaliya qaadan xornimada waxaana ay soo maren marxalado kala duwan.

Previous Post

Daawo Sawirrada: Munaasabadda xuska maalinta ciidanka Booliiska oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha oo gudoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)

Next Post
Madaxweynaha oo gudoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)

Madaxweynaha oo gudoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In