Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo booqasho shaqo ku jooga caasimadda dowladda Qatar ee Doxa ayaa maanta soo booqday kuilyadda Ciidamada ee Axmed Bin Muxammad iyo Machadka luqadaha ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Qatar.
Booqashooyinka Wasiirka iyo wafdigiisa ay booqdeen kuliyadda iyo machadka ayaa ku saabsan sidi loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka tacliinta ciidamada ee Wasaaradaha Difaaca labada Dal.