Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska Qeybta 21-aad ee magaalada Dhuusamareeb.
Intii uu socday kormeerka ayaa Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Maclin Fiqi waxaa uu kulan la-qaatay saraakiisha sare iyo madaxda Taliska, iyadoo looga hadlay xaaladda ciidamada, xoojinta howlaha shaqo iyo dardargelinta qorshayaasha amni iyo difaac ee dalka.











