Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhiga oo Muqdisho ku soo laabtay ka dib booqasho uu ku joogay maalmo Caabudwaaq{SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhiga oo Muqdisho ku soo laabtay ka dib booqasho uu ku joogay maalmo Caabudwaaq{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, April 6, 2015….Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahan socdaal shaqo ku joogay  degmada Caabudwaq ee gobolka Galgaduud, ayaa maanta soo gaba-gabeeyay socdaalkiisii, kadib markii  uu kulamo kala duwan oo diiradda lagu saarayay arrimaha maamul dhisidda gobollada dhexe  uu halkaas kula qaatay qeybaha bulshada ee deegaanada Waqoyig Galgaduud. Ujeedada kulamadan ayaa ahaa sidii xal waara oo dib u heshiisiineed loogu heli lahaa dadka deegaanka si maamulka ay sameysanayaan uu u noqdo mid loo dhan yahay oo si nabad ah ay dadka deegaanka uga wada qeybqaataan.

Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo gaba-gabeynayay shirarkii u socday 4ta casho ayaa sheegay in uu aad ugu farax san yahay natiijada laga gaaray wada xaajoodkii u socday, isagoo intaa ku daray Wasiirku in dowladda ay mar waliba garab taagantahay dhaqan gelinta go’aanada dib u heshiisiineed ee ka soo baxay shirka isla markaana ay madaxweynaha iyo Xukuumadda gaar siin doonaan tallooyinkooda.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Waxaan idin kaga mahad celinayaa sida aad diyaarka ugu tihiin in aad doorka idin kaga aadan dhismaha maamulka Gobollada dhexe aad qaadataan, dhamaan teen maanta waan guuleysanay waxana rajeynayaa in howlaha dhiman ay dhameystiri doonaan xubnaha haray sida Wasiir ku xigeenka Dastuurka iyo Xildhibaanada oo idin la joogi doona”ayuu yiri Wasiirka.

Ugu danbeyn, Ugaaska deegaanka Ugaas Axmed Barre Cali oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay dhankooda in ay ka go’an tahay in ay tagaan meel walba oo lagu dhisayo maamulka Gobollada dhexe isla markaana ay diyaar u yihiin kaalinta kaga aaden inay qataan.

—-DHAMMAAD—IMG_9415 IMG_9398 IMG_9389 IMG_9352 IMG_9345 IMG_9334 IMG_9328 IMG_9317

Previous Post

kulan looga hadlayay daryeelka caruurta darbi jiifka ah oo Garoowe lagu soo gabagabeyay

Next Post

kulan lagu taageerayay baahinta nidaamka federaalka oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay

kulan lagu taageerayay baahinta nidaamka federaalka oo Muqdisho lagu qabtay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In